Ereteriya oo ka Digtay Colaad ka Dhalan Karta Saldhigyada Shisheeye ee Xeebaha Soomaaliya.

Nov 6, 2025

Xilli xiisado colaadeed ay udhaxeeyaan qaar kamid ah dowladaha dhaca geeska qaaradda Afrika ayuu madaxweyne Ereteriya ka digay dagaal lagu hoobto oo markale mandiqadda ka qarxa.

Asiyaas Afawarki ayaa wareysi uu ku bixiyay ku sheegay in faragelinnada shisheeye ee Soomaaliya ay qeyb weyn ka yihiin azamaadka sababi kara in uu soo degdego dagaal ka dhaca geeska afrika.

Afawarki ayaa xusay in faragelinta ay dowladaha shisheeye ku hayaan soomaaliya uu halis gelin karo amniga badda cas isagoo ka digay heshiisyada dowladaha shisheeye saldhigyada lagu siinayo ee ay saxiixday kooxda Riddada Soomaaliya.

Wuxuu ka hadlay khilaafka kala dhaxeeya dowladda Xabashida Itoobiya wuxuuna qiray in amniga badda aysan xukuumaddiisu ka gorgortami doonin, wuxuu aad udhaliilay waxa loogu yeero ururka midowga Afrika oo uu sheegay mid fadhiid ah.

Hoggaamiyaha kaligii taliyaha Ereteriya ayaa ku dheeraaday ka hadalka badda Soomaaliya oo laqorsheynayo in xabashida itoobiya ay ka dhisato saldhigyo melleteri arrinkaas oo uu si adag uga digay.

Ugu dambeyn madaxweynaha Ereteriya ayaa ku goodiyay in dalkiisu uu difaacan doono badda cas islamarkaana uuna ogolaan doonin damacyada dowladaha qaar ee ku dhisan gummeysi iyo addoonsi.

Arrimahan ayaa imaanaya xilli Asmara iyo Addis Ababa ay qarka usaaranyihiin ay dagaal foodda isla galaan sababa laxiriira damaca Abiy Axmed ee dekadda Casab oo Ereteriya ay aad udiidantahay.