Tan iyo markii murtad Xasan Sheekh Maxmuud uu duullaan ashahaado la diririnimo ah oo jihooyin kale duwan leh ku iclaamiyay Xarakada Mujaahidiin Al-Shabaab markii uu xillka yimid, waxaa sii xoogeystay fashilka iyo firxadka ay xukuumada Gurguurte kala kulmeysay fagaarayaasha kale duwan ee dagaalka.
Muddo ka yar 2 sano ayuu Gurguurte ku hadaaqey in uu kusoo afjarayo mujaahidiinta balse dirir igu soo orod ayay doqonto moodaaye, murtad Gurguurte waxaa dhinac kale ula rogmaday duullaankii uu ku dhawaaqey, iyadoo dhagta dhiiga loo daray maleeshiyadii uu kusoo cam-camiyay jiidaha hore ee dagaalka.
Howlgallada fariidka ah ee mujaahidiinta ayaa gil-gilay koonfurta iyo gobolada dhexe ee Soomaaliya, waxaana lagu boqno gooyay kumanaan ka tirsan caskarka ridada, arrinkaas oo ay la yaab iyo qaadan-waa ku noqotay xukuumada fadhiidka ah ee Villa Soomaaliya.
Murtad Odawaa Yuusuf Raagge oo ah taliyaha ciidamada lugta ridada ayaa xilli uu manta ka hadlayay kulan ay yeesheen baarlamaanka ridada ayuu af-Labadii dhawaaqey, isagoo si gaar ah ugu nuux-nuuxsaday tiradda maleeshiyada ridada ee ku halaagsamay howlgallada mujaahidiinta, wuxuuna cadadka dhimasho ee maleeshiyaadka ku tilmaamay mid lala yaabo.
Murtadkan ayaa qiray in tiro gaareysa 10,00 illaa 15,00 askari oo ka tirsan maleeshiyada gaalo-raaca ridada ay ku baqtiyeen dagaalka ka dhan ah mujaahidiinta isagoo hadlaya waxaa uu yiri “Tirada dhimashada ciidamada dowladda hadii aan idin sheego waxay idinku noqon doontaa wax lala yaabo waa 10,00 illaa 15,000”
Qaylo dhaanta murtadkan waxay imaaneysa xilli cadawga dhegta dhiiga loogu daray howlgallo fariid ah oo ka dhacay fagaarayaasha dagaalka ee ay isku hor fadhiyaan libaxyada Islaamka iyo maleeshiyaadka ridada ee jiidaha hore qoor ku qabadka lagu geeyay.
Weerraradii ugu saameynta badnaa ee gumaca lagu leefsiiyay murtadiinta waxaa ka mid ah weerarkii Cowsweyne, Aadan Yabaal, Moqokori, Maxaas iyo weerarkii dhawaan ka dhacay xabsiga godka Jilicow, kaas oo lagu soo furtay maxaabiis muslimiin ah oo uu cadawgu halkaa ku tacdiibinayay iyo duullaano kale oo cadawga lagu barayo in dalkan leeyahay rag ka difaaca rijsiga gumaystaha iyo dabadhilifyadiisa.
FAAFREEB PRO