Wararka ka imaanaya Jaziiradda Mayotta ee dalka Fransiiska ayaa sheegaya in dooni ay la socdeen Soomaali tahriibayaal ah ay ku dagtay Jaziiradaasi, waxaana lasoo sheegayaa in Soomaali fara badan ay ku dhinteen xeebahja Fransiiska.
Inta la xaqiijiyey ilaa 30 ruux oo Soomaali oo ay ku jiraan dumar ayaa lasoo warinayaa inay ku dhinteen doonidaasi oo maraysay Jaziirada Moyotta ee xeebaha dalka Frnasiiska.
Doonidaan ayaanan si rasmi ah loo ogeyn halkee kasoo baxday, balse wararka waxay sheegayaan in dadkii Soomaaliyeed ee doonidaasi saarnaa uu ka badbaaday wiil dhalinyaro ah Soomaali ah kaasoo xaaladiisa caafimaad lagula tacaalayo gudaha dalka Fransiiska.
Bilhii lasoo dhaafay waxaa sii kordhayey tahriibayaasha kusii qulqulaya wadamada qaarada Yurub, kuwaasoo ka tahriibaya dalalka Africa oo ay Soomaaliya ku jirto.
Billo ka hor ayey ahayd markii doono kasoo baxday dalka Aljeeriya ay ku dagtay xeebaha dalka Spain, xili ay kusii jeedeen dalkaasi, iyadoona doontaasi ay ku dhinteen dad Soomaali tahriibayaal ah.