Dagaallo ka Dhacay Gobolka Amxaarada oo Khasaare Culus Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Abey Axmed.

Nov 2, 2025

Maleeshiyaadka Amxaarada ee FANO ee ka dagaalamaya gobalka Amxaarada ayaa guulo ka sheegtay, dagaallo culus oo u dhaxeeyay iyaga iyo ciidamada millatariga Itoobiya.

Dagaalladaan oo socday tan iyo Arbacadii lasoo dhaafay islamarkaana ka dhacay galbeedka magaalada Gondar ee Waqooyiga gobalka Amxaarada ayaa waxa ay FANO sheegtay inay ku dishay kuna dhaawacday, in ka badan 100 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Itoobiya ee uu hogaamiyo Abiy Axmed.

Warbixinno ka madaxbanaan FANO ayaa tilmaamaya, in tirada askarta dagaalladaasi looga dilay millatariga Itoobiya ay kor u dhaafayso 60 askari, halka in ka badan 48 kalena lagu dhaawacay, iyadoo aan la ogayn khasaaraha maleeshiyaadka FANO kasoo gaaray dagaalladaas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in xukuumadda Adis Ababa ay aagagaasi la isku fara-saaray ay dhawaan geysay ciidamo isku dhaf ah, oo ka kooban ciidanka Difaaca, booliiska rabshadaha ka hortaga, iyo maleeshiyaad taabacsan. Guutada Taliska Galbeed ee Ciidanka Difaaca Itoobiya ayay wararku sidoo kale tilmaamayaan, inay ka qayb qaatay dagaalka.

Ilo wareedyo la hadlay warbaahinta ayaa sheegaya, in ciidamada Itoobiya ay qorsheynayeen inay hareereeyaan maleeshiyaadka FANO ee ku sugnaa galbeedka magaalada Gondar ee waqooyiga gobalka Amxaarada, balse ay maleeshiyaadka FANO heleen xogtaas ku saabsan weerarka kusoo wajahan, taas oo keentay, inay dharbaaxada kala hormaraan ciidamada dowladda dhexe ee Itoobiya.

Xogo warbaahinta loo soo dusiyay ayaana tilmaamaya, in ciidamadii Itoobiya ee ka badbaaday dagaalkaasi ay go’doon ku jiraan, iyadoo ay suura-gal tahay inay markale weerarro culus kala kulmaan jabhaddaas.

Xukuumadda Adis-Ababa ee uu majaraha u ahayo Abiy Axmed illaa iyo hadda wax war ah kama aysan soo saarin dagaalladani ay ku hoobteen ciidamadeeda.