Wararka ka imaanaya dalka Suudaan ayaa sheegaya in maleeshiyaadka Dacmu-sariic (RSF) ee uu hogaamiyo Maxamed Xamdaan Daglo ay wadaan xasuuqyo baahsan, kaddib markii ay la wareegeen inta badan gobolka Daarfuur ee galbeedka dalkaas.
Magaalada Al-Faashir, oo dhawaan ay isaga baxeen ciidamada dawladda Suudaan, ayaa si buuxda gacanta ugu gashay maleeshiyaadka RSF, kuwaasi oo markiiba bilaabay isir-sifeyn ka dhan ah dadka muslimiinta ee magaaladaasi ku nool.
Wararka horudhaca ah ayaa tilmaamaya in in ka badan 1000 qof ay saacadihii lasoo dhaafay maleeshiyaadka Dacmu-Sariic ku xasuuqeen Al-Faashir, kuwaasi oo u badan haween, carruur iyo dad waayeello aan waxba galabsan.
Muuqaallo lagu faafiyay barahaa bulshada ayaa muujinaya ciidamo ka tirsan kuwa RSF oo rasaas ku furaya dad rayid ah oo ay qafaasheen, iyadoo mid ka mid ah muuqaaladaasi uu muujinayo askari si bareer ah u tooganaya odey waayeel ah.
Arrintan kasoo cusboonaatay dalka Suudaan ayaa imaaneysaa xilli dhowaan ciidamada dawladda Suudaan ee uu hoggaamiyo Cabdi Fataax Al-Burhaan ay isaga baxeen magaalada Al-Faashir, taasi oo RSF u sahashay in ay si buuxda u maamulaan inta badan gobolka Daarfuur.
Dalka Suudaan ayaa muddo saddex sano ah wajahaya dagaal sokeeye oo u dhexeeya milatariga dawladda iyo maleeshiyaadka Dacmu-Sariic, kaas oo sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyo barakaca malaayiin qof.
Maleeshiyaadka RSF (Dacmu-Sariic) waxaa horey u aas-aasay madaxweynihii hore Cumar Xasan Al-Bashiir sanadkii 2013, balse hadda waxaa hogaamiya Xemedti, oo isagu dagaalka kula jira milatariga uu horey ula shaqeyn jiray.
FAAFREEB PRO