Ku Dhawaad 20 qof oo ku Dhimatay Shilal Baabuur oo ka Dhacay Dalalka Itoobiya iyo Kazakhistaan.

Oct 24, 2025

Ugu yaraan 9 qof oo todoba ka mid ah ay ahaayeen shaqaale caafimaad ayaa ku geeriyooday shil baabuur oo ka dhacay magaalada Bosat, oo u dhow magaalada Adama, ee bariga gobolka Shawa ee deggaanka Oromada.

Xafiiska Taraafikada ee maamulka gobolka Oromada ee aagga bari ee Shawa ayaa sheegay in shilku uu dhacay habeen hore, gaar ahaan waaberi-ku-dhawaadkii, kadib markii Bas rakaab ah oo ka yimid magaalada Adama iyo baabuur xamuul ah ay isku dhaceen.

Sida ay xogtu tibaaxayso afar qof ayaa isla markiiba ku qur-baxay goobta shilka, iyadoo afar kalena loola cararay cisbitaalka magaalada Bosat, balse wax yar kadib iyaguna ay geeriyoodeen. Halka qof sagaalaad-na uu dhintay intii lagu jiray jidka ee lagu sii waday cisbitaalka.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in 3 qof oo kale ay iyagana soo gaareen dhaawacyo kala duwan, waxaana la dhigay oo lagu daaweynayaa cisbitaalka magaalada Bosat, sida uu xaqiijiyay Isuduwaha Taraafikada ee degmada Bosat.

Xawaare xad-dhaaf ah oo uu xilli habeen ah uu ku socday dirawalka Baska ayaa loo aaneeyey ina tahay sababta ugu weyn ee shilkan dhalisay sida uu sarkaal ka tirsan maamulkaasi uu u sheegay wargeyska Itoobiyaanka ah ee Addis Standard.

Todobada ka mid ah dadkan geeriyooday oo ahaa shaqaale caafimaad ayaa sida la sheegay waxay kasoo safreen gobolka Arsi, waxaanay ku sii jeedeen Jaamacadda Haramaya oo ay doonayeen inay kaga qayb-galaan tababar xirfadeed, sida mas’uuliyiinta maamulku ay xaqiijiyeen.

Dhanka kale, ugu yaraan 12 qof ayaa ku dhintay shil baabuur oo isna maalintii shaley ka dhacay gobolka Aktobe ee galbeedka waddanka Kazakhstan, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Kazinform oo soo xiganaysa waaxda booliska ee gobolka.
Shilkan oo ka dhashay isku dhaca laba gaari xamuul iyo mid rakaab ayaa ka dhacay jidka weyn ee Samara iyo Shymkent oo u dhaw tuulada Bel’kopa.

Warar horudhac ah oo soo baxaya ayaa sheegaya in gaariga xamuulka ah uu si kedis ah ugu leexday dhanka waddada.

Labada Darawal iyo 10 qof oo la socday gaariga rakaabka ah ayaa isla goobtaasi ku qur-baxay, halka 5 qof oo dhaawacmayna loola cararay cisbitaalka degmada Khromtau.

Sida laga soo xigtay maamulka maxalliga ah ee gobolkaasi, saddex ka mid ah dhibbanayaasha oo ay soo gaareen dhaawacyo garaab ah ayaa laga deyriyey xaaladdooda caafimaad.