[ Foreign Policy ] Saadaasha Dagaal ka Dhax Qarxaya Itoobiya iyo Ereteriya oo sii Lixaadsatay.

Oct 23, 2025

Wargeyska Foreign Policy ayaa soo saaray warbixin cusub oo ka digeysa halista dagaal cusub oo ka dhex qarxa Itoobiya iyo Ereteriya, iyadoo xaaladda siyaasadeed ee gudaha Itoobiya gaar ahaan gobolka Tigray ay sii kaceyso marba marka ka dambeysa.

Warbixinta ayaa sheegtay in xiisadda Labada dal ay gaartay heer khatar ah, taasoo soo dadajin karta ayuu yiri suurtagalnimada in iskahorimaad buuxa uu dib uga dhax qarxo xukuumadahan haddii xaaladda aanan la dajin.

Foreign Policy ayaa xusay in markii uu Abey yimid xafiiska sanadkii 2018 ay si daganaan ah ku bilowdeen wax waliba oo ku saabsan cilaaqaadka kala dhexeeya Isaias Afwerki, balse uu khilaafku bilowday kadib dagaalkii Tigray iyo dadaalka Itoobiya ee ku aaddan helitaanka marin badeed ay iyadu u madax banana tahay.

“Addis Ababa ayaa dhowaan su’aal ka keentay madax-bannaanida Ereteriya ee ay qaadatay sanadkii 1993, halka Labada dowladood ay is-weydaarsadeen hadallo kulul iyo eedeymo u muuqda in dhamaadkoodu ay noqon karaan dagaal toos ah” ayaa lagu yiri nuqul kamid ah warbixinta.

Xogta Foreign Policy ayaa tilmaantay in ciidamada Labada xukuumadood ay isku urursanayaan agagaarka dekedda Assab ee badda Cas, askarta Abey Axmed ayaana shidaalka ay ku socdaan ka dhiganaya rumeynta rajadii awoowayaashooda ee ahayd helitaanka marin badeed u gaar ah.

Ma cada ayey saxiifadu tiri qaabka ay dowladaha khaliijka iyo xitaa Mareykanka ay uga falcelin doonaan hadii mar ay Addis Ababa iyo Asmara uu ka dhax qarxo dagaal lafa jibis ah, dano badan oo ay dalalkan ka leeyihiin gudaha Itoobiya ayaana ciida afka la gali doona sida la rumeysanyahay.

Gunaanudkii wargeysku waxa sheegayaa in dalka Suudaan oo tan iyo sanadkii 2023 la daala dhacaya dagaalo qaraar uu isaguna saameyn xoogan ku yeelan doono hadii ay fooda is daraan wadamada Itoobiya iyo Ereteriya, khasaaruhuna uu noqon doono mid ka baaxad wayn kan ay hadda warbaahintu soo tabiso.

FAAFREEB PRO