Murtad Cali Guudlaawe oo Xilkii ka Qaaday Guddoomiyaha Maamulka Ridada ee Gobalka Hiiraan.

Oct 21, 2025

Wareegto kasoo baxday xaafiiska murtad Cali Guudlaawe oo ah madaxa maamulka ridada ee Hirshabelle ayaa xilkii looga qaaday murtad Muuse Salaad.

Xilkaan ayaa loo magacaabay murtad lagu magacaabo Maxamed Carab Xuseen kaasoo horay xil uga soo qabay maamulka ridada ee Hirshabeelle.

Xil ka qaadista lagu sameeyey Muuse Salaad ayaa timid kadib markii uu khilaaf xooggan soo kala dhexgalay isaga iyo murtad Dabageed oo ah ku xigeenka Cali Guudlaawe.

Khilaafkaasi ayaa salka ku hayey is qab-qabsi ku aadan lacagaha baada ah ee murtdiinta ka qaataan garoonka magaalada Baladweyne kaasoo labada murtad ay isku qabsadeen cadda qaadan lahayd.

Cali Guudlaawe ayaa intii uu ahaa madaxa maamulka ridada ee Hirshabeelle wuxuu dhowr guddoomiye u magacaabay gobalka Hiiraan kuwaasi oo uu markii danbe xilka ka qaaday.