Tegitaanka murtad Xasan Sheekh ee magaalada Laascaanood ayaa noqonaysa madaxweynihii koowaad ee taga Waqooyiga tan iyo intii maamulka isku magacaabay Somaliland ku dhawaaqday in ay ka go’day Soomaaliya inteeda kale.
Booqashada Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaysa xilli xasaasi ah oo ay is horfadhiyaan Ciidamada Somaliland iyo kuwa maamulka cusub ee Waqooyi Bari.
Geesta kale Cirro ayaa gogol nabadeed dhigay magaalada Ceerigaabo ee xarunta u ah Sanaag taas oo ay saamaysay colaadda Laascaanood.
Magaalada Ceerigaabo waxa sannadkii hore ku dagaallamay malleeshiyaad taabacsan SSC-Khaatumo iyo maamulka Somaliland.
Maamulka Somaliland ayaa bilihii u dambeeyay waday sidii magaalada loogu soo celin lahaa dadkii shacabka ahaa ee ka barakacey.
Gobollada Sool iyo Sanaag ayaa ahaa kuwo badanaa lagu muransanaa oo ay isku hayeen maamulka Somaliland iyo Puntland walow ay Somaliland dhulkaas badidiisa hore gacanta ugu haysay.
Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aamminsan in safarrada Madaxweynaha kooxda ridada iyo kan maamulka ashahaada la dirirka ah ee Somaliland ay dhalin karaan xiisad siyaasadeed oo hor leh.