Sahaayinada Yahuudda oo dad Rayid ah ku Xasuuqay Bariga Magaallada Qaza.

Oct 18, 2025

Diyaaradaha maamulka Sahaayinada Yahuudda ayaa galabnimadii shaley ee Jimcaha duqeyn culus ku beegsaday gaari shacab oo ku socdaalayay bariga magaallada Qaza, kaasi oo ay saarnaayeen dad isku qoys ahaa.

Dadkan oo horey uga barakacay cudwaanka cadawga ayaa ku guda jiray socdaal ay dib ugu laabanayaan guryahoodii oo ku yaalla xaafadda Xayu-zaytuun ee bariga Qaza.

Sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen waxaa duqeyntan cudwaanimo ku shahiiday dhamaan dadkii saaranaa gaariga la beegsaday oo isku qoys ahaa, kuwaasi oo tiradoodu gaaraysay illaa 11 qof oo ay ku jiraan 7 carruur ah.

Dhacdadaan ayaa lagu sheegay midii ugu dhimashada badneed tan iyo markii uu dhacay heshiiska xabad-joojinta ee ay kala sexiixdeen kooxaha Muqaawamada Filistiin iyo maamulka dhiigyacabka ee Yahuudda.

Xad gudubka iyo cudwaanka Yahuudda ayaa sii kordhaya, tan iyo markii uu dhacay heshiiskii xabad-joojineed Kayaanka Sahaayinada ayaa geystay 129 weerrar, kuwaasi oo ay ku sahhiideen 34 ruux, halka dhaawucu ka badan yahay 120 qof.

FAAFREEB PRO