[WARBIXIN] Himilo Hungowday Sanado Kadib iyo Cirro oo Todobaadkaan Gaaray Addis Ababa.

Oct 17, 2025

Helitaanka marin badeed ay go’doonka juquraafi siyaasadeed kaga baxan malaayiinta Itoobiyaanka ah ee sanadba sanadka ka danbeeya sii ziyaadaya ayaa ah awliyaatka ugu horeeya ee hogaanka xabashida marxaladaan, xeelad iyo awood tii suuratasgahaba halagu xaqiijiye.

Tan iyo isbadalkii Itoobiya ay martigalisay sanadkii 2018 iyo kala wareegii ku yimid maamulka siyaasadeed ee dalka, wuxuu Abiy Axmad geed dheer ufuulay sidii uu uxaqijin lahaa riyo ay ku taamayeen hogaamiyaal iyo boqoro soo maray dowladaan, labadii sano ee lasoo dhaafay ayuuna sameeyay isbadaallo waaweyn oo gilgilay geeska qaarada Afrika.

Horaantii bishii Janawari ee sanadkii 2024, mandiqada ayaa wajahday isbadal aan horay loo ara kadib markii Addis Ababa sicad usheegtay in markaan lagama maarmaan ay tahay in ay heshos marin badeed, Abiy ayaana isla xiligaasi heshiis la saxiixay hogaamiyihii maamulka ridada ee Soomaaliland ee waqtigaasi Ina Biixi Cabdi.

Inkasta oo bilooyin kadib kursiga ugu sareeya nidaamka Hargaysa uu beeniyay murtadkan, waxaa hadana badalay nin siyaasad ahaan ka duwan oo ah murtad Cabdi Raxmaan Cirro, booqashadii ug horaysay oo dib looga jafaya malafkaasi ayuuna todobaadkaan ku tagay Addis Ababa.

Cirro iyo Abiy Axmad ayaa yeeshay kulamo socday mudo maalmo ah oo looga doodayay sidii loo dhaqangali lahaa isafgaradkii la saxiixay 2024, Addis Ababa ayaana nidaamka Hargaysa usoo bandhigtay in Lughaye ay noqoto halka laga dhisayo saldhiga ciidan iyo dekad, sidoo kalana ay Itoobiya kordhiso isticmaalka dekada Berbera oo ay saami ku leedahay.

Dhankooda wafdiga uu hogaaminayay Cirro ayaa dowlada Itoobiya ka dalbaday in ay saxiixayaan balse iyagana dhankooda ay ubaahanyihiin in Addis Ababa ay u aqoonsato maamulka Soomaaliland dowlad madax banaan , taasi oo ay ka  biya diideen hogaamiyaasha xabashida, keentayna in ay fashilmaan wadahadallada maadaama tani ay tahay mida muddo uu ku tahamayey maamulka fadhigiisu yahay Hargeysa.

Kulamadaan fashilmay ayaa daba socda silsilado wadahadaallo ah oo soo socday mudo ku dhow Labo sano, taas oo ay dadaal dheer ay Addis Ababa ugu jirtay in ay ku hesho marin badeed balse u ruboobi la’a.

Kadib is afgaradkii Janawari 2024, inkasta oo ay itoobiya ku atkaysanaysay in ay maamul madaxbanaan u aqoonsato nidaamka Cirro, hadana waxaa dhanka kale xumaaday xiriirkii kala dhaxeeyay Kooxda Ridada Soomaaliya, kooxda Muqdisho ayayna u cunami waysay in Abiy uu toos ula heshiisyay Soomaaliland taasoo lagu tilmaamo iney tahay mida ugu weyn ee badashay mowqifkii Abey ee aqoonsiga maamulkan.

Dhaxdhaxaadin ay samaysay dowlada turkiga iyo sadax wareeg oo wadahadal ah oo la isla aaday Ankara kadibna, ugu  danbeyn dhamaadkii isla sanadkaasi ayey dhinacyadu gaareen xal rasmi ah, waxayna Koxoda Ridada ay balanqaaday in ay  Itoobiya ka siin doonto dekado iyo saldhig badweynta Hindiya.

Balse nidaamka Abiy Axmad ayaa raadinayay fursad kale oo uu dib ugu noqon karo isafgaradkii uu la galay maamulka Soomaaliland, kaas oo isagana hirgali la’a, Addis Ababa ayaana ciyaaraysa door Labo wajiilnimo ah iyadoo oo doonaysa in ay qanciso nidaamka Mogdisho dhanka kalane ay hesho saxiixa qaadashada Baada Cas.

Shaqsiyaadka odorosa arimaha gobolka ayaa aaminsan in kacdoonkii ay shacabka Soomaaliyeed sameeyeen bilowgii sanadkii 2024, uu xabashida Itoobiya siisay quustii ugu danbaysay Abeyna uu ku qasbanyahay in uu raadiyo badiil kale, dal ragiisu ay u halgamayaan beylah ma noqdo ee, waxaa dhanka kale mudo Labaatan sano ah oo faragalin toos ah oo ay Addis Ababa ku haysanaya dalkaan ay wali ku gulaysan la’dahay in a toos uhirgaliso ahdaafteeda iyadoo taa badalkeed jilbaha dhulka loogu dhuftay furimaha dagaalka.

Dhanka kale, bilooyinkii lasoo dhaafay ra’sul wasaraha itoobiya Abiy Axmad ayaa ku celcelinayay in ay lagama maarmaan utahay in ay helaan dekada Casab ee dalka Eratariya , halka janaraaladiisa ciidana ay u durbaan garaacayaan hardan ay darfuhu gorada isku galiyaan.

Inkasta oo dhinacyadu ay hada qarka usaaranyihiin dagaal aan doorasho laheyn, hadana Abiy Axmad miyuu juhdigidsa isugu geyn doonna in auu dib ula wareego Sodan sano kadib Casab mise waxa uu waqtiga isaga lulmin doonna biyaha Soomaaliya isaga oo naawliya xaqiijinta himiloyin horay uhungoobay ? waxaase nooga jawaabi doonna taariikhda socota ee is qoreysa.

FAAFREEB PRO