In ka Badan 60 oo ku Dhintay Fatahaado Xooggan oo ku Dhuftay Dalka Mexico.

Oct 17, 2025

Ugu yaraan 66 qof ayaa ku dhintay, 100,000 (Boqol Kun) oo gurina wax-yeello ayaa kasoo gaartay fatahaado ba’an oo shantan cisho ee u dambaysay ku dhuftay dalka Mexico ee waqooyiga qaaradda Ameerika.

Geesta kale waxaa socda baadi-goobka ugu yaraan 75 qof oo weli la la’yahay meel ay jaan iyo cirib dhigeen. Waxaana jira dhaliilo xooggan oo ku saabsan qaabka looga fal-celiyey masiibadan oo loo jeedinayo xukuumadda Mexico.

Madaxweynaha dalka Mexico, naagta lagu magacaabo Claudia Sheinbaum, oo dadweynuhu ay si weyn u taageersanaayeen ayaa la kulantay weji-gabax mar ay indho-indhayn ku tagtay qaar ka mida deegaannada fatahaaduhu saameeyeen, lana kulantay dad aad uga caraysan jawaab la’aanta xukuumaddeeda.

Fatahaaddan oo ah mid taariikhiya ayaa timid kadib markii roobab waaweyn oo mahiigaan ah ay ka da’een bartamaha iyo bariga dalkaasi, kuwaas oo sababay dhul-go’ baaxad leh, webiyada oo karkaarrada jabsaday, buundooyin badan oo dumay iyo waddooyin waaweyn oo burburay.

“Ma jirin xog cilmiyeed ama saadaal cimiladeed oo muujinaysay in roobabku noqon doonaan kuwa heerkan ah,” ayay Sheinbaum u sheegtay saxaafadda, iyadoo intaas ku dartay in dowladdu ay markaas xoogga saartay laba duufaan oo ka jiray xeebta Baasifigga.

Roobabka xooggan ee ka da’ay xeebta Gacanka Mexico ayaa kusoo aaday dhamaadka xilli-roobaadka, xilli qoyaan badan oo ka jiray dhulkaasi ay salfadeen webiyada oo karkaarrada jabsada. Waxaana gobollada uu sida weyn u sameeyey ka mida Veracruz, Hidalgo, iyo San Luis Potosi.