Kooxda Gurguurte oo Weerar Afka ah ku Qaadday Xubnaha Mucaaradka Ridada.

Oct 15, 2025

Wasiirka Gaashaandhigga kooxda Villa Somaliya Murtad Axmed Macalin Fiqi ayaa si adag ugu goodiyey siyaasiyiinta mucaaradka ee la baxay madasha samata-bixinta, kuwaas oo maalmahan u dambeeyey ku mashquulsanaa abaabulka bannaanbaxyo ka dhan ah Murtad Gurguurte iyo Kooxdiisa.

Murtad Fiqi ayaa booto iyo waxba-kama-jiraan ku sifeeyey abaabulka mucaaradku ay ka wadaan magaalada Muqdisho, waxaanu ficillo fulaynimo ah ku tilmaamay in xubnaha mucaaradku ay hanjabaado dhalanteed ah kasoo diraan caruurta iyo haweenka dhexdooda.

Murtad C/Raxmaan C/Shakuur oo ka mida xubnaha mucaaradka oo ballan ku qaaday in mar dambe aanay u joojin doonin diidmada xukuumadda oo ay dhigayaan bannaan-baxyo ballaaran, ayay kooxda Gurguurte aad uga damqatay hadalkaasi.

Hanjabaadda kasoo yeeraysa murtadkan ayaa imanaysa xilli xubnaha mucaaradka riddadu ay ku adkaysanayaan qabashada bannaan-baxyo ballaaran oo ay sheegeen in ay kaga soo hor-jeedaan boobka iyo barakicinta kooxda Villa Somaliya ka waddo magaalada Muqdisho.