Dad Danyar oo ka Cabanayay Dhul-boobka Muqdisho ka Socdo oo Xabsiga loo Taxaabay.

Oct 15, 2025

Saraakiil ka tirsan kooxda Riddada Somalia oo watay maleeshiyo hubyssan, ayaa saacadihii lasoo dhaafay xaafadda Siinaay ee magaalada Muqdisho ka xirxiray dad danyar ah oo weliba naafo ah, kuwaas oo la sheegay inay cabasho ka muujinayeen barakicin iyo dhul-boob la isugu daray.

Ilaa 2 qof oo Naafo ah iyo dhowr qof oo kale oo tagay goobta guryahahooda laga dumiyay ee xaafadda Siinaay ayaa lasoo wariyay inay maleeshiyaadka kooxda Riddada xarig kula dhaqaaqeen, sidoo kalena jirdil u gaysteen.

Mid ka mid ah dadka deegaanka oo waraysi qadka taleefanka ah bixiyay, ayaa sheegay in dadkaasi oo baahiyo gaar ah qabay la xirxiray horayna looga burburiyay guryahooda, kuna biirayaan hooyooyin, dhalinyaro iyo waayeel loo xiray inay ka hadleen dhul-boobka ay waddo kooxda Riddada.

Waxay tani qayb ka tahay beegsiga joogtada ah ee kooxda Riddadu ku hayso dadka rayidka ah ee ku dhaqan Muqdisho, kuwaas oo la isugu darayo, dhul-boob, barakicin, xariga, jirdil iyo dil bareer ah.