Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil ka dhacay gudaha magaalada Gaarissa, oo ka mid ah dhulalka muslimiinta NFD ee ku hoos jira gumeysiga saliibiyiinta Kenya.
Dilkan ayaa lasoo wariyay in loo gaystay nin gaal Kenyan ah oo magaciisa lagu sheegay Ochieng Minudi, kaasi oo bare ka ahaa kuliyadda mucallimiinta ee ismaamulka Gaarissa, waxaana dilka u gaystay dhalinyaro Soomaali ah, sida lasoo warinayo.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka dowladda saliibiyadda Kenya ay ka dhisatay Gaarissa oo uu ka mid yahay xildhibaan dabadhilif ah oo lagu magacaabo Deeqow ayaa cambaareeyay dhacdadan cambaareeyay, waxayna sheegeen in dilka uu ahaa mid ay ka dambeeyeen kooxo hubeysan oo muddooyinkii u dambeeyay falal amni darro ah ka gaysanayay magaalada.
Dad saliibiyiin Kenyan ah oo ku sugan Gaarissa una damqanayay gaalka laga dilay ee baraha ka ahaa kuliyadda tabobarka mucallimiinta ee Ismaamulka Gaarissa, ayaa sameeyay isku soo bax ay kaga soo horjeedaan dilkaaasi.
Ma jirto cid rasmi ah loogu soo xiray falkan, waxaana la sheegay in dilka ninkaasi loo adeegsaday Mindi, saraakiisha Kenyan ah ayaa ka digay falalka amni darro ee kusoo badanaya dhulalka muslimiinta, kuwaas oo si gaar ah loogu beegsanayo saliibiyiinta Kenya.
Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in dadka gaalada Kenyanka ah ee ku sugan magaalada Nairobi gaar ahaan, Syokimau iyo Athi River ay wadaan qorshe aargoosi ah oo ka dhan ah Soomaalida, maadaama dhowaan dil ka dhacay magaalada Gaarissa lagu dilay mucallim saliibi Kenyan ah.