Sarkaal iyo Askar Murtadiin ah oo Lagu Dilay Howlgallo ka Dhacay Muqdisho iyo Duleedkeeda.

Oct 12, 2025

Banaadir:

Howlgal qorshaysan oo ay ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen xaafadda Masjidka Cabdirashiid ee degmada Dharkeynleey magaalada Muqdisho waxay ku dileen sarkaal sare oo katirsanaa melleteriga Kooxda Riddada, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cumar Cali Maxamuud.

Sidoo kale, qarax ciidamada mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Lafoole ayaa lala eegtay maleeshiyaad murtadiin ah, iyadoo lagu gaarsiiyay khasaare dhimasho yio dhaawac isugu jira.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxan lagu dilay laba askari oo murtadiin ah, halka askari kalena uu ku dhaawacmay.

Ciidamada Mujaahidiinta ayaa sii kordhiyay weerarrada qorsheysan ee lagu beegsanayo saliibiyiinta iyo murtadiinta, gaar ahaan howlgallada halyeeynimo ee ka socda magaalada Muqdisho iyo duleedyadeeda.

FAAFREEB PRO