Horraantii bishii November, 2020kii ayay Ciidamada Itoobiya duullaan rasmi ah ku qaadeen Gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya. Dagaallo sokeeye oo wajigii koowaad oo kaliya ay ku dhinteen dad ka badan 500,000 oo qof ayaa maalintaas ka bilaabmay gobolka Tigray ee Waqooyiga dalka Itoobiya.
Sannadihii ugu dambeeyey, gobollada Tigrayga, Axmaarada iyo Oromada waxa ka socda kacdoonno hubaysan oo uu dhiig badani ku daatay. Jabhaduhu waxa ay qabsanayaan dhul cusub, waxaanay helayaan taageero qoomiyaddeed oo xooggan. Dhinaca kale, gudaha dalka Itoobiya waxa ku sugan ciidamo Eritrean ah oo aanay wax tallaabo ah ka qaadi karin xukuumadda Addis Ababa. Ciidamadani waxa ay si toos ah uga garab dagaallamayaan jabhadaha Axmaarada iyo Tigrayga ee dagaalka kula jira xukuumadda Abiy Ahmed, xilli uu aad u sii xumaanayo xidhiidhka Addis Ababa iyo Asmara.
Burburka la saadaalinaayo ee boqortooyada Itoobiya waxa qayb weyn ka ah tabashooyinka taariikheed ee ay qabaan aqlabiyadda aamusan ee dalkaasi. Itoobiya waxa ku wada nool dad ka badan 132mn oo ku hadla luuqado ka badan 80 luuqadood. Waxa ay dadkani u kala duwanyihiin af ahaan, diin ahaan, dhaqan ahaan, taariikh ahaan iyo jiritaan ahaan. Kala duwanaanshiiyahani waxa uu keenay gabboodfallo ballaadhan oo ay gaysteen kuwii xukunka joogay. Qoomiyadda Axmaarada oo ahayd tan xukumaysay Itoobiya wakhtiga ugu dheer, waxa ay gaysatay tacaddiyo xooggan oo ka dhan ah dadka kale ee ay xoogga ku qabsatay.
Dad badan ayaa diinta laga beddelay. Qaar kale ayaa dhulkoodii laga qaaday oo magaca laga beddelay. Kuwo kalena, iyaga laftooda ayaa magacyadoodii shakhsiga ahaa iyo abtirsiintoodii qoomiga ahayd laga beddelay. Tusaale ahaan, magaalada Addis Ababa, waxa ay ahayd dhul ay leeyihiin dadka Oromada ah. Magaceedii asalka ahaa waxa uu ahaa Finfinne oo ah magac asal ah oo Oromo ah.
Magaaladan waxa qabsaday ka dibna magac Xabashi ah ula baxay boqorradii Xabashida ahaa ee Itoobiya gumaystay. Hoggaamiyeyaashii Axmaarada ahaa ee tacaddiyada noocaas ah gaystay ayaa maanta taallooyin dhaadheer ku leh gudaha caasimadda Addis Ababa, iyaga oo ‘halyeeyo qaran’ loo aqoonsaday. Guud ahaan, ummadihii la gumaystay ee dhiiggooda taallooyinka laga dul dhistay, waxa ay joogaan xilli ay aaminsanyihiin in ay sixi karaan oo ay ka gilgilan karaan hagardaamooyinka loo gaystay, kana hoos bixi karaan gumaysigii ay muddada dheer ku jireen.
Dhinaca kale, gudaha Itoobiya waxa si muuqata u xoogaystay baraarugga diineed ee dadka Muslimiinta. Sannadihii ugu dambeeyey, gudaha dalka Itoobiya waxa ka soo yeedhaayay codad kala duwan oo ku baaqaya in Muslimiinta dalkaasi ay u midoobaan sidii ay uga hoos bixi lahaayeen gumaysiga masiixiga ah ee ay muddada dheer ku hoos jireen. Codadkaas oo aqbalaad ka helay dhalinyarada
Muslimiinta ah, qurbejoogga Muslimiinta reer Itoobiya iyo shacabka Muslimiinta ah ee muddada dheer la cadaadinaayay, dhinaca kalena cadaadis, dil, xadhig iyo cabbudhin kala kulmay ciidamada xukuumadda iyo kiniisadaha xoogga badan, waxa laga filan karaa in uu gaadho heer ay xakamayn kari waayaan maamuleyaasha Addis Ababa.
Dawladda Kenya waxa ay dhammaadkii bishii May, 2024kii ku biirtay waxa uu Maraykanku ugu yeedho ‘Major Non-NATO Ally’. Waa xulafo Maraykanku leeyahay oo ay ka mid yihiin ilaa 19 dawladdood oo ay ku jiraan Australia, Is’raa’iil, Qatar iyo Brazil. Tallaabadan ayaa timid xilli Madaxweynaha Kenya William Ruto uu booqasho rasmi ah ku joogay dalka Maraykanka. William Ruto, waxa uu noqonayaa hoggaamiyihii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee
casuumad rasmi ah ka hela ‘Aqalka Cad’ ee dawladda Maraykanka muddo lix iyo toban sannadood ah. Kulankan ayaa ku soo beegmay sannadguuradii 60aad ee ka soo wareegtay asaaska xidhiidhka diblomaasiyaddeed ee Maraykanka iyo Kenya. Si muuqata, muddooyinkii ugu dambeeyey, dawladaha Ruushka iyo Shiinaha ayaa saamayn xooggan ku sii yeelanaayay dalalka Afrika, waxaana sii wiiqmaysay saamayntii Maraykanka ee qaaradda Afrika. Dawladda Shiinaha ayaa hadda ah dawladda ugu weyn ee xidhiidhka ganacsi iyo kan maalgashi la leh dalalka qaaradda Afrika.
Falanqeeyeyaashu waxa ay rumaysanyihiin in Maraykanku uu doonaayo in xulafadiisa gobolka Geeska Afrika ee ugu muhiimsan uu ka dhigto Kenya, ka dib dagaallo iyo qalalaase siyaasaddeed oo muddooyinkan dambe ragaadiyay Itoobiya oo ahaan jirtay xulafada ugu muhiimsan ee Maraykanka ku leeyahay Geeska Afrika. Tan oo macnaheedu yahay in Maraykanku uu quus ka joogo Addis Ababa. Waxa intaas dheer, horjoogaha Itoobiya Abiy Ahmed waxa uu garabka saaray reer Bariga gaar ahaan Ruushka iyo Shiinaha. Tan ayaa sabab u noqon karta in Maraykanku uu dhinaca Kenya u jihaysto, xilli loollanka Shiinaha iyo Maraykanka ee Afrika uu meel sare gaadhay. Dhinaca kale, kala dhaqaaqa diblomaasiyaddeed ee Washington iyo Addis Ababa ayaa jiritaanka maamul ee Itoobiya mugdi weyn sii geliyay.
Heerka faqriga dalka Itoobiya ayaa ah mid aad u sarreeya, noloshuna waa mid cidhiidhi sii galaysa. Dadka Itoobiyaanka ah ee gaajo ka cararka ah ayaa buux dhaafiyay xeryaha qaxoontiga ee caalamka iyo gaar ahaan dalalka deriska, halka kumannaan kalena ay ku dhinteen badaha caalamiga ah iyaga oo saaran doonyo macmal ah. Tirada dadka oo si xawli ah u kordhaysa, dalka oo aan lahayn wax
bad ah oo go’doon juquraafi ah ku jira, colaadaha dabada dheeraaday ee wajiyada badan leh iyo hoggaanka arxanka daran ee kaligii taliska ah ee muddada dheer dalkan xukunkiisa isu soo beddelaayay ayaa dalkan ka dhigay ‘hoygii gaajada adduunka’.
Wakhtiyadii kala dambeeyey, muddaharaaddo canjeero doon ah ayaa ka dhacay gobollada iyo degmooyinka dalkaasi, kuwaas oo ay xukuumaddu xoog kala hor tagtay, xilli baahidu ay sii kordhayso. Shacabkan gaajaysan ayaa laga filan karaa in ay shidaal u sii noqdaan dagaallada sokeeye ee holcaaya iyo kala daadashada lama huraanka u muuqata ee boqortooyada Itoobiya.
Waxa xaaladda jiritaan ee cakkiran ee Xabashida uga sii dari doona farogelinta dibaddeed ee mustaqbalka dhaw uga iman karta dalka Suudaan ee arrinta gobolka Alfashaqa, dalka Masar ee arrinta webiga Nile, dalka Eritrea ee arrinta xuduudka labada dal iyo Soomaalida Geeska Afrika ee arrinta Badda Cas.
Sida taariikhda laga baran karo, cilmibaadheyaashuna ay marar badan oo hore saadaaliyeen ‘waxa la gaadhay xilligii la qaybsan lahaa Itoobiya’, Itoobiyana waxa ay mari doontaa jidkii dalweynihii Yugoslavia ee dhammaadkii qarnigii hore.
Dhibaatooyinkan bulsho, dhaqaale iyo siyaasaddeed ayaa la saadaalinayaa in ay
‘kala dhaqaaqa Xabashida’ soo dedejin karaan. Sidaasidaraaddeed, waxa la gaadhay xilligii Soomaalida gobta ahi ay u diyaar garoobi lahaayeen ‘qaybsiga dhulweynaha Itoobiya’.
Waxaa qoray Nageeye Cali Khaliif October, 2025