Heshiis Xabad-joojin ah oo Laga Gaaray Xaallada Qaza ka dib Wadahadallo ka Dhacay Masar.

Oct 9, 2025

Kadib kulamo qaatay mudo maalmo ah oo todobaadkaan kasocday magaallada Sharma Sheekh ee wadanka Masar ayaa ugu danbeyn waxaa saacadihii lasoo dhaafay lagu gaaray heshiis xabadjoojineed oo dariiqa uxaaraya in lasoo gabagabeeyo dagaalka Qaza.

Madaxweynaha Maraykanka Doland Trump ayaa ku dhawaaqay in ay wadahadallada ay guulaysteen si rasmi ahna uu heshiisku udhacay, iyadoo dhinacyada heshiiska garwadeenka ay balanqaadeen in aysan Yahuudu jabin doonin, sida uu sheegay sargaal katirsan Muqaawamada.

Duhurnimada maanta ayaa balanku ahaa in uu dhaqangalo, waxaana xoogaa daganaashaha laga dareemaya qidaaca, talafashinka 1-aad ee sahaayinada ayaana ku waramaya in ay u egtahay in xabadjoojintu ay hirgashay.

Kooxaha Muqaawamada ayaa maalmaha Axada iyo Isniinta lagu wadaa in ay siidaayaan 20 maxbuus oo nool oo kamid ahaa maxaabiistii cadowga laga soo qabtay dagaalkii todobada Actobar.

Sidoo kale isla maanta ayaa lagu wadaa in boqolaal kamid ah gaadiidka gurmadka wada uu qidaaca soo galo, kaas oo gurmad deg deg ah lagu gaarsiinayo shacabka reer Qaza.

Marxaladan ayaa ah mida koowaad iyadoo markii maxabaiista lasii daayo ay xigto in ciianka Yahuuda ay gabi ahaanba ay baneeyaan qidaaca, Sahaayinada ayaana dhankooda maalmaha soo socda sii deyn doona boqolaal kamid ah maxaabiista Filistiiniyiinta.