Qarax ay ciidamada Mujaahidiintu ka fuliyeen deegaanka Diif oo ah deegaan hoostaga degmada Dhoobley ee gobolka Jubada hoose waxaa lagu dilay sarkaal ka tirsan murtadiinta, kaasi oo ahaa madaxa canshuurta ridada ee deegaankaasi.
Murtadkan la beegsaday ayaa lagu magacaabi jiray Yuusuf Jabad Iidle, waxayna sidoo kale Mujaahidiintu ka soo furteen qori uu watay Murtadka uu qaraxu haleelay.
Maalinimadii Isniinta ee lasoo dhaafay ayay ahayd markii howlgal gaar ah oo ka dhacay gobolkan Jubada Hoose lagu khaarijay Afar askari oo murtadiin ah, kuwaasi oo kasoo baxay magaalada Kismaayo, iyagoo doonayay in falal ashahaada la dirirnimo ah ay ka geystaan deegaanadaasi.
Sidoo kale, howlgalkaasi waxaa lagu soo furtay hub iyo agab kale oo ay ku hubeysnaayeen maleeshiyada la beegsaday, iyadoona meydadkooda goobta looga cararay.
FAAFREEB PRO