Xuukuumada Muqdisho oo Sheegtay Inaysan Rejo ka Qabin Heshiis ay Lagasho Axmed Madoobe.

Oct 7, 2025

Waxaa fashil iyo is fahamwaa kusoo idlaaday wadahadallo ay garwadeen ka ahaayeen saraakiil shisheeye saliibiyiin ah, kuwaas oo laba maalmood ka hor magaalada Kismaayo uga furmay 2 kamid ah hogaamiyaasha murtadiinta ee dalka kusoo hoggaamiyay ciidamada shisheeye.

Xasan Gurguurte ayaa isagoo faramaran dib ugusoo laabtay magaalada Muqdisho, kadib markii ay dhabarka isku jeediyeen Axmed Madoobe, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in dhammaan ajandayaashii laga wadahadlayay laysku fahmi waaye, kadibna madaxda kooxda riddada uu go’aansaday in uu isaga tago magaalada Kismaayo.

Cumar Cali Cabdi oo ah wasiiru dowlaha Gaashaandhigga kooxda ridada Soomaaliya ayaa warbaahinta u sheegay in marnaba aysan wax wanaag ah ka sugeyn Axmed Madoobe, islamarkaana uu yahay siyaasi aan doonayn heshiis.

Dhinaca kale Axmed madoobe oo umuuqday in uu yasayo madaxweynaha kooxda ridada ayaa soo saaray qoraal uu uga hadlayo wadahadalladii fashilmay ee Kismaayo ka dhacay, marna sooma hadal qaadin magaca Xasan Gurguurte, wuxuuna kusoo gaabsaday in lasagootiyay wafdigii ka socday kooxda riddada, madaxa maamulka ashahaadda ladirirka Jubbaland ayaa billaawgii safarkii Xasan Sheekh ee Kismaayo diiday in uu ugu yeero madaxweyne, wuxuuna ugu yeeray ‘Walaalkey Xasan’ balse maalin kadib wuxuu ugu yeeray madaxa wafdiga dowladda Federaalka.

Taliyaasha sirdoonnada dowladaha saliibiyiinta Kenya iyo Itoobiya oo Kismaayo ku sugnaa ayaa la sheegay in ay iyana dib uga laabteen magaalada, kadib markii ay wadahadalladu fashilmeen. Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in Xasan Gurguurte iyo Xamza Cabdi Barre ay shir albaabadu uxiranyihiin ku leeyihiin Muqdisho, waxayna ka arrinsanayaan sida laga yeelayo shirka mucaaradka iyo laba maamul goboleed uga furmi doono Garoowe.