Degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa shalay waxay markale martigelisay isku soo baxyo ka dhan ah doorashooyin gaaleedka uu wato Xassan Gurguurte iyo madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka Galmudug.
Dibadbaxa shalay dhacay waxaa ka qayb-qaadanayay qaybaha kala duwan ee bulshada magaalada, kuwaasoo isugu soo baxay waddooyinka magaalada, kuna dhawaaqayay halku dhigyo ka dhan Qoorqoor, waxaa sidoo kale isku soo baxyada dhinac socday dhoolatus ay sameeyeen maleeshiyo hubeysan oo qayb ka ah dibadbaxayaasha.
Sarkaal u hadlay maleeshiyada hubeysan ee isku soo baxa qaybta ka ahaa ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan sanduuqyada doorasho ee ay wataan Xassan Gurguurte iyo Qoorqoor, degmada Caabudwaaq in aan doorashadaasi laga oggolayn ayuu sidoo kale sheegay, isagoo ku goodiyay inay tallaabo qaadi doonaan haddii sanduuqyada la keeno degmadaasi.
Maleeshiyada lagu soo bandhigay Caabudwaaq ayaa ku qalabaysnaa hubka culus iyo gaadiidka nooca kuwa dagaalka ah ee ay qoryuhu ku rakibanyihiin.
Waa isku soo baxyadii labaad oo bulshada ku dhaqan degmada Caabudwaaq ay ku diidanyihiin doorashada qof iyo codka ah ee uu wato murtad Xassan Gurguurte, taasi oo uu soo qaatay madaxa maamul goboleedka ashahaada la dirirka Galmudug murtad Qoorqoor, doonayana in uu ka hirgeliyo degeennaada uu ka arrimiyo oo Caabudwaaq ka mid tahay, balse diidamooyin adag kala kulmayo dadka deegaanka.