Murtad Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha Kooxda Ridada Soomaaliya ayaa isaga oo shalay jeedinayay khubad waxa uu weerar afka ah ku qaaday siyaasyiinta mucaaradka ee xurugufta kala dhaxayso.
Murtad Gurguurte ayaa soo hadal qaaday weerarkii ka dhacay saldhiga wardhiigley, kadib markii kooxaha mucaaradka iyo maleeshiyaatka murtadiinta ay ku dagaallameen labo todobaad kahor.
Siyaasyinta mucaaradka ridada ayuu dusha u saaray wixii ka dhacay halkaasi, isaga ku tilmaamay fal fool xun oo suurad xun ka bixinaya nidaamkooda.
Dhanka kale murtad Gurguurte ayaa khubadiisa kusoo hadal qaaday hubka ay wataan siyaasyiinta mucaaradka ridada, isaga oo amar ku bixiyay in gaadiidka hubka waaweyn ku rakibanyihiin aan magaallada lagu dhax wadan karin.
Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha ridada ayaa kusoo beegmay iyadoo mudooyinkii dnabe ay sii kordhayeen khilaafka kala dhaxeeya siyaasyiinta mucaaradka, labo todobaad kahor ayeeyna Mugdisho martigalisay iska hor’imaadyo dhaxmaray dhinacyada, kaasi oo ay maleeshiyaad isaga dileen, gaadiidna isaga gubeen.