Xiisadda Colaadeed ee Gobolka Amxaarada ee Itoobiya oo Cirka Isku sii Shareeraysa.

Sep 30, 2025

Waxaa sii xumaanaysa xaaladda colaadeed ee ka taagan waqooyiga iyo koonfurta Wollo oo ka tirsan gobolka Axmaarada ee dalka Itoobiya.

Idaacad laga leeyahay Jarmalka ayaa xaqiijisay in gobolka Axmaarada ay maalmihii lasoo dhaafay ka socdeen dagaallo xooggan oo dhex-maray jabhadda Fano iyo ciidanka Xabashida Itoobiya.

Dad ku sugan deegaanka Mekane Selam ee Koonfurta Wollo oo la hadlay ilo xog ogaal ah kana gaabsaday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in xiisadda aad looga dareemayo magaalada, balse iska hor imaad hubeysan uu ka socdo dhulka miyiga ah ee ku xeeran.

“Xoogagga Fano ayaa magaalada maamulayay hal maalin kadib markii ciidamada Itoobiya ay isaga baxeen, inkastoo mar dambe ay dib uga baxeen” ayuu yiri qof deegaanka ah oo la hadlay Idaacadda DW laanteeda af amxaariga.

Wararka ayaa sidoo kale tilmaamaya in saraakiisha sarsare ee dowladda Itoobiya ay sidoo kale ka carareen magaalada sabtidii lasoo dhaafay.

Maleeshiyaadka Fano ayaa la sheegay in ay ku sugnaayeen meel aad ugu dhow magaalada. Waxaanay hayeen xogta ku saabsan bixitaanka ciidanka dowladda iyo dibu-gurashada madaxda dowladda.

Millateriga Itoobiya ayaa ku soo laabtay Mekane Selam laga bilaabo subaxnimadii Axadda, kadib markii ay isaga baxeen maleeshiyaadka Fano.

Dhinaca Waqooyiga Wollo ayaa isaguna holcaaya, dhowr cisho ka hor ayay ahayd markii maleeshiyaad Fano sheegatay in ciidamada dowladda ay ka dishay in ka badan 470 askari halka in ka badan 170 ay gacanta ku dhigtay.

Saraakiil ka tirsan dawladda ayaa baraha bulshada ku eedaynaya in ciidamada Eritrea iyo maleeshiyaadka TPLF ay qayb ka ahaayeen hawl-galka Fano.

Sabtidii, ciidamada Itoobiya ayaa duqaymo ka fuliyay deegaanka Sanka oo qiyaastii 10 KM dhanka galbeed kaga beegan magaalada Woldia iyo Jarsa ber oo u dhaw halka laga soo galo magaalada.

Ilo-wareedyo la hadlay wargeyska Borkena oo magacooda qariyay ayaa ku soo waramaya in laba qof oo rayid ah ay ku dhinteen duqeynta ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Jaarsada, halka labo kalena ay ku dhaawacmeen.

Magaalada Sanka, oo ah halka ay ciidamada Itoobiya weerareen oo ah xarun caafimaad, ayaa la sheegay in Afar qof ay ku dhaawacmeen. Xaalada qaar ka mid ah dadka ay waxyeelladu soo gaartay ayaa aad looga dayrinayaa.

Labadii sano ee lasoo dhaafay waxaa guud ahaan gobolka Axmaarada lagu dilay boqolaal qof oo shacab ah, kuwaas oo lala xiriirinayo colaada u dhaxaysa jabhadda Fano iyo dawladda Itoobiya.