Murtad Gurguurte oo Weerar Afka ah ku Qaaday Mucaaradka Kasoo Horjeeda Xukuumadiisa Ridada ah.

Sep 29, 2025

Isagoo khudbad ka jeedinayey furitaanka kalfadhiga Baarlaamka ridada ayuu ka hadlay murtad Xasan Gurguurte khilaafka u dhaxeeya isaga iyo mucaaradka kasoo horjeeda.

Gurguurte ayaa ku eedeeyey mucaardka inay ka shaqeeynayaan qalalaaso uu dalkaan uu galo, isagoona sheegay inay arrintaasi ku raadinayaan xil siyaasadeed.

Hadalka Gurguurte ayaa imaanaya xilli uu wali taagan khilaafka u dhaxeeya kooxda ridada iyo mucaaradka kasoo horjeeda, xilli todobaadkii lasoo dhaafay iska hor’imaad u dhaxeeyey mucaaradka iyo maleeshiyaatka ridada uu ka dhacay Muqdisho.

Mucaaradka ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay qaban doonaan banaanbax looga soo horjeedo Gurguurte dhul boobka uu ka wado Muqdisho kaasoo noqonay mid xargaha goosatay.

Dhexdhaxaadin ay sameeyeen siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa lagu baajiyey mudaaharaadyo ka dhan ah mucaaradka oo lagu waday inay todobaadkaan ka dhaco Muqdisho, taasoo keentay xiisad dagaal oo labada dhinac dhexmartay.