Dibad-baxyo Looga soo Horjeedo Dhul-boobka Riddada oo ka Dhacay Muqdisho.

Sep 28, 2025

Saacadihii lasoo dhaafay degmada Dayniile ee magaalada Muqdisho waxaa ka dhacay isku soo baxayo ay dhigeen dadka shacabka ah, kuwaas oo looga soo horjeeday dhul-boobka ay caasimadda ka wado kooxda Riddada.

Isku soo baxyadan ayaa dhacay shalay, dadweyne aad u badan oo careysan ayaa isugu soo baxay waddooyinka degmada Dayniile si ay u muujiyaan sida ay uga soo horjeedaan dhul-boobka kooxda Riddadu damacsan tahay inay ka sameyso degmadaasi.

Dadka shacabka ah ee isku soo baxa ka sameeyay degmada Dayniile ayaa ku dhawaaqayay halku dhigyo ka dhan ah murtad Xasan Gurguurte oo ah ninka ugu sareeya ee mooryaanta masuulka ka ah boobka dhulalka danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay ee murtadiintu ka wadaan magaalada caasimadda ah ee Muqdisho iyo duleedkeeda.

Isku soo baxan shalay ka dhacay degmada Dayniile ayaa qayb ka ah carada dadweyne ee ka dhalatay boobka dhul ee ay kooxda Riddadu dooneysay inay ka sameyso degmadaasi, toddobaadkii hore ayay ahayd markii degmadan uu ka dhacay isku dhac dhexmaray shacab hubeysan oo dhulkooda difaacanaya iyo maleeshiyo mooryaan ah oo uu Xassan Gurguurte usoo hubeeyay boobka dhulalka danta guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay.