Ciidanka Abiy oo Khasaare Xooggan Lagu Gaarsiiyay Dagaallo ka Dhacay Amhara .

Sep 26, 2025

Waxaa marba marka ka dambaysay kasii daraysa xaaladda colaadeed ee ka aloosan gudaha dalka Itoobiya, waxaanay wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in saacadihii lasoo dhaafay ay dhaceen dagaallo qaraar oo lagu kala furtay maryo dhiig leh.

Dagaal culus oo aan waxba la isku reeban ayaa lagu soo warramayaa in Arbacadii shalay uu ka dhacay deggaanka Waqooyiga Wollo ee gobolka Amxaarada, halkaas oo ay foodda isku dareen ciidanka Xabashida Itoobiya iyo maleeshiyaadka Jabhadda Fano.

Guutooyin ka tirsan ciidanka dawladda oo ku sugnaa deggaannadaasi ayaa la kulmay subaxdii hore ee Arbacada weerar culus oo kaga yimid dhinaca maleeshiyaadka Fano, kuwaas oo sida la sheegay kasoo ruqaansaday taliska Jabhadda Fano ee aagga bari ee gobolka Amxaarada.

Dagaalkan oo si gaar ah uga dhacay deggaan lagu magacaabo Beklo Manekia ayaa socday saacado badan, waxaanay jabhadda Fano sheegtay in ay ku dishay 137 askari oo ka tirsan ciidanka dawladda, gacantana ku dhigtay in ka badan 280 askari oo uu ku jiro taliye aan la xusin magaciisa balse darajadiisa lagu sheegay Kornayl.

Sidoo kale Fano waxay ku dhawaaqday in ay dhegta dhiigga u dartay madaxii maamulka degmad Beklo Manekia oo lagu magacaabi jiray Ayalew Delele. Saaxiibbadiis oo aan la shaacin aqoonsigooda iyo tiradooda ayaa sidoo kale lagu dilay hawlgalkan, sida uu daabacay Wargeyska Borkena.

Fano waxa kale oo ay gacanta ku dhigtay gaari-xamuul millateri, in ka badan 7,000 oo rasaasta qoriga sida darandoorriga ah u dhaca ee loo yaqaan Bren, in ka badan 9,000 oo rasaasta AK-47 ah, in ka badan 1,300 oo rasaasta Dhashiikaha ah, laba hoobiye iyo laba qori oo iyaguna kuwa dardoorriga u dhaca ah.

Muuqaal cusub oo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya askar ka tirsan ciidanka Xabashida Itoobiya iyo saanad millateri oo aad u fara badan oo gacanta lagu dhigay. Kuwaas oo sida la sheegay lagu qabtay hawlgalkan ka dhacay deggaanka Beklo Manekia.

Cutub kale oo ka tirsan maleeshiyaadka Faano ayaa la sheegay inay hawlgal ka fuliyeen deggaannada Worebabo, Bistima, oo dhaca Koonfurta Wollo. Waxaana lagu dilay ugu yaraan 78 askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, halka 53 askari oo kalena lagu dhaawacay, sida ay sheegatay Faano.

Hawl-galkan ayaa kusoo aadaya iyadoo dhowr cisho ka hor maleeshiyaadka jabhadda Fano ay dagaal culus kula wareegeen magaalada Wondach ee degmada Gidan ee Waqooyiga Wollo, kadib makii ay cagta mariyeen ciidanka Xabashida Itoobiya, isla markaana dagaalkaasi ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen in ka badan 250 askari oo ka tirsanaa ciidanka Xabashida Itoobiya ee hoos-taga maamulka Abiy Axmed.