Xiisad Wali ka Dhex Aloolsan Bulshada Dayniile iyo Maleeshiyada Gurguurte ee Dhul-boobka Wada.

Sep 22, 2025

Maleeshiyaat ka tirsan ridada iyo dadka deegaanka ee degmada Dayniile ayaa wali isku horfadhiya xaafado ka tirsan degmadaasi kadib markii Xasan Gurguurte isku dayey inuu boobo dhulka dadka shacabka ay dagan yihiin ee degmadaasi.

Bulshada ku dhaqan degmada Dayniile ayaa shalay qaatay hubkooda iyagoona ka hortagay qorshii Xasan Gurguurte ee boobka dhulalkaasi.

Murtad Jacfar oo ka tirsan Baarlamaanka ridada ayaa sheegay in kooxda ridada ee Xasan Gurguurte qorshaheeda uu yahay inay boobaan dhulalka ku yaalla degamada Dayniile, isagoona sheegay in dadka deegaanka aysan hubka dhigin ay dhulkooda difaacdaan.

Tan iyo markii uu xargaha goostay boobka dhulalka ee kooxda ridada ee Xasan Gurguurte kawado magaalada Muqdisho waxaa sii kordhay kacdoonka ay sameynayaan bulshada ku dhaqan Muqdisho kuwaasi oo hadda doonayo inay awood militry uga hortagaan boobkaasi.

Kooxda ridada ee Xasan Gurguurte ayaa horay u boobtay dhulal badan oo ku yaallay Muqdisho kuwaasi oo ay ka barakaciyeen shacabkii halkaasi ku dhaqnaa.