Wararka ka imaanaya dagmada Dayniile ee magaallada Mogdisho ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay dagmadaasi ay maleeshiyaatka murtadiinta ku dileen qof shacab ah.
Maleeshiyada Gurguurte ayaa toogtay wiil dhalinyaro ah oo kamid ah bulshada reer Dayniile kaas oo dhacdada lagu dilay ay ka dhacday Argada Dayniile.
Wiilka dhalinyarada ah e la dilay ayaa lagu magacaabaa Maxamad Cabdullaahi Xasan waxa uuna kamid ahaa dad shalay dhigay banaanbax looga soo horjeeday dhulboob ay waday Kooxda Gurguurte.
Xasan Cali Kheyre oo soo noqday raizul wasaarihii hore ee Kooxda Ridada Soomaaluya ayaa Xasan Gurguurte ku edeeyay in uu ugaarsanayo shacabka Soomaaliyed uuna dhiigooda daadinaya.
War qoraal ah uusoo dhigay bartiisa gaarka ah ayuu ku yiri ” Waxaa ayaandarro iyo musiibo qaran ah in dowadda Madaxweyne Xasan Sheekh ay laynayso shacab Soomaaliyeed si ay uga barakiciso guryahooda, ugana boobto dhulal ay sifo sharci ah ku bixiyeen dowladihii hore, ciidankii u adeegsanayso barakicinta iyo gumaadka shacabka.”
Maalinkii shalay dagmada Dayniile ayaa martigalisay isku soo baxyo looga soo horjeeday madaxa Koxoda Ridada oo oo halkaasi ka waday boob xoogan isaga oo doonayay in uu barakiciyo kumanaan ruux guryahoodana uu ka ibiyo ganacsato.