Sida uu daabacay wargeyska The Week iyo kuwa kale oo badan Sacuudiga iyo Pakistan ayaa si rasmi ah u kala saxiixday heshiiskii ugu sareeyey ee dhanka difaaca ah kaas oo dhigaya in weerar lagu qaado midkood loo tixgelinayo weerar lagu qaaday labadaba.
Tani waxay ka dhigan tahay in Sacuudiga uu helayo gaashaan nukliyeer ah, maadaama Pakistan ay horey u lahayd awooddaas, taas oo si weyn u beddeli karta isku dheelitirka awoodda Bariga Dhexe iyo xiisadaha kala duwan ee is dhax ceegaaga.
Sidoo kale waxaa lagu waramayaa in heshiiskan uu lamid yahay qodobka Shanaad ee axdiga gaashaan buurta NATO u dagsan, kaas oo ku saleysan difaac wadajir ah iyo in hadii la weeraro dal kamid ah gaashaan buurto la qaado weerar wada jir ah oo lagu difaacayo wadankaas.
War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa lagu sheegay in Labada dhinac sameeyeen gorfeyn kadibna ay qalinka kuwada duugeen talaabadaan sidoo kale lagu tilmaamayo in isbadal aanan la mahdin doonin iney ku keeni doonto dhulka koonfurta Aasiya.
Waxaana durbadiiba soo hadashay Hindiya, wasiirka arrimaha dibada xukuumada New Dalhi ayaana sheegay iney si dhaw ula socon doonaan heshiiskan ay qalinka kuwa duugeen Riyadh iyo Islama Bad, maadaama ay ka baqdin qabaan inuu saameyn wayn ku yeesho amniga gobolka waa sida ay warbixintu cadeyneysee.
Gabagabadii marka la eego xaaladda, heshiiska Sacuudiga iyo Pakistan wuxuu noqon karaa bar bilowga isxulafeysi cusub oo dhabha u xaara loolan ka baaxad weyn midka hada ka jira Aasiya, dowladdaha soo koraya ee aan heysan quwada nukliyeerna ku qasbi doona iney gacan saar la yeeshaan kuwa ku hubeysan awoodaas.
FAAFREEB PRO