Mandheera.
Ciidamada Mujaahidiintu waxey maanta qarax la beegsadeen kolanyo Saliibiyiinta Kenya ah oo ku socdaaleysay inta u dhaxeysa deegaanada Finow iyo Sheekh Barow ee hoostaga degmada Lafeey ee gobalka Mandheera ee ku hoosjira gumeysiga Kufaarta Kenya.
Qaraxa ayaa haleelay gaari Taw ah goobta ayuuna ku burburay.
Sidoo kale waxaa baqti iyo dhaawac noqday askartii Kufaarta Kenya ee gaariga la socotay.
Diyaarad Elecobtar ah oo goobta qaraxa soo caga dhigatay ayaa daabushay baqtiyada iyo dhaawacyada askarta Kufaarta Kenya.