Weerar Ruux Itoobiyaan Lagu Dilay oo ka Dhacay Xadka Kenya iyo Itoobiya.

Sep 17, 2025

Ugu yaraan 1 qof oo kasoo jeeda Itoobiya ayaa ku dhintay weerar la sheegay in dabley hubeysan oo Kenyan ah ay ka fuliyeen deegaan ka tirsan aagga ay dhinacyadu isku hayaan ee xuduudda Kenya iyo Itoobiya.

Wargayska Addis-standard oo soo xiganaya dadka deegaanka Herum, oo ka tirsan mandiqadda koonfurta Omo ee ismaamulka Koonfurta Itoobiya, ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof lagu dilay in ka badan 2,000 oo lo’ ahna lagu dhacay weerarka oo ay ku eedeeyeen inay ka dambeeyaan maleeshiyaad kasoo jeeda Kenya gaar ahaan Turkana.

Mid ka mid ah dadka uu wargaysku soo xiganayo oo magaciisa qariyay ayaa sheegay in weerarkan ay dhacay Sabtidii lasoo dhaafay oo ay taariikhdu ku beegnayd 13-kii September.

Xoolaha la dhacay ayay tito ahaan ku sheegeen in ka badan 2,000 oo Lo’ ah, kuwaas oo kooxihii weerarka soo qaaday ay u kaxaysteen deegaannada ay degganyihiin Kenyaanku.

Wargayska Itoobiya kasoo baxa ee Addis-standard ayaa sheegay in sidoo kale kooxaha kenyanka ee weerarka gaystay ay sidoo kale sameeyeen isku day kale, kaas oo ay fashiliyeen ciidamo ka tirsan ammaanka Itoobiya ee ka howlgala ismaamulka Koonfurta Itoobiya.

Xuduudda u dhaxayso dalalka Itoobiya iyo Kenya waxaa bilihii lasoo dhaafay ka taagnayd xiisad u dhaxayso dad kasoo kala jeeda labadan dal, taas oo ugu dambayn keentay inay dhinacyadu dagaallamaan, welina xiisadda dagaal ee labada dhinac ayaa taagan, waxaana suuragal ah in markale dhinacyadu dagaallamaan.