Murtad Cabdiraxmaan Cabdishakuur, oo ka tirsan Siyaasiyiinta mucaaradka ridada ayaa shirjaraa’id oo uu ku qabtay Muqdisho wuxuu kaga hadlay dhulboobka xargaha goostay ee kooxda ridada ay ka wado magaalada Muqdisho.
Cabdiraxmaan Cabdishakuur, ayaa sheegay in wali kooxda Gurguurte ay wadaan dhulboobka, isagoona sheegay inay maleeshiyaatka ridada barakaciyeen shacabkii daganaa dhulalka la boobay.
Dhinaca kale Murtad Cabdiraxmaan Cabdishakuur wuxuu sheegay in hadda kooxda ridada ay bilowday in ay xiraan dadka ka hadla arrimaha dhulalka iyo dhibaatooyinka uu geysanayo Xasan Gurguurte.
Kooxda ridada ee Xasan Gurguurte ayaa magaalada Muqdisho wali kawada wali inay boobto dhulalka ay dagan yihiin dadka shacabka ah, iyagoona barakiciyey qoysaskii daganaa dhulalkaasi.