Maxaad Kala Socotaa Dagaalka Beeraha Ingiriiska iyo Kaalinta Qarsoon ee Shiinaha Virus-kiisa?

Sep 16, 2025

Warbixin dheer ee uu qoray wargeyska kasoo baxa dalka Ingiriiska ee iPaper ayaa soo bandhigtay halis cusub oo qarsooneyd in muddo ah taasoo dowladda Ingiriiska ay u bixisay “argagixisnimada beeraha” sida xogta ay cadeyneyso waa weeraro u jeedkoodu yahay baabi’inta beeraha iyo dabar-goynta xoolaaleyda u dhashay wadankan.

Waxaa lagu waramayaa in kooxo qarsoon misana abuubulan ay faafinayaan cudurro si isku mid ah saameyn xun ugu yeelanaya dhulka iyo xoolaha, taasoo dhalisay in xilliyada qaar magaalooyinka ay soo galaan raashin sumeysan midan ayaana hoos u dhigtay kalsoonidii ka dhexeysay beeraleyda iyo shacabka kale ee wax iibsada.

Sidoo kale waxaa marba marka ka dambeysa hoos u dhacaya wax soo saarka dalka iyadoo ay yaraadeen helitaanka hilibka nuucyadiisa kala duwan, maadaama xooluhu ay la xanuusanayaan caabuqyo kala duwan oo ay ka dhaxleen suntan la faafinayo.

Wargeyska iPaper oo baaritaankiisa sii wata ayaa sheegaya in la helay abuur sumeysan oo laga keenay dhanka dalka Shiinaha, kaasoo si aad ah loogu dhax faafinayo gudaha beeraha dalka Ingiriiska saameyn nuucyo kala duwan lehna ku yeeshay dalaga qeybihiisa kala gedisan.

Joornaalka ayaa dhanka kale cadeynaya in diayaradaha yar yar ee Drons-ka ah ee loo adeegsado waraabka beeraha ay yihiin kuwa shaki badan uu dul hooganayo, maadaama badanaa laga soo saaro dalka Shiinaha ayna yihiin kuwa awooda faafinta sun aan inta badan lagu baraarugsaneyn.

Gunaanudkii naafeynta dhanka beeraha iyo xoolaha ee ka socota dalka Ingiriiska saameynada waaweyn ee ka dhashay waxaa kamid ah: hoos u dhac ku yimid kalsoonida bulshada ee iibsan jirtay badeecada gudaha, burbur ku yimid suuqyada dhoofinta, saameyn caafimaad oo dadweyne oo dhalatay iyo dhaawac weyn oo soo gaaray sumacadii beeraleyda dalka Ingiriiska taasoo sida warbixintu ay cadeyneyso qaadan doonta Tobanaan sano in laga soo kabto.