Masar oo ku Dhawaaqday in ay Heshay Shirqoollo Halis ah oo Loomaleegayo Amnigeeda Biyaha.

Sep 15, 2025

Dowladda Masar oo ku dhawaaqday in ay heshay shirqoollo halis ah oo loomaleegayo amnigeeda biyaha, kuna goodisay in ay qaadi doonto tallaab, haddaba maxay tahay tallaabta ay masar sheegayso xilli itoobiya ay biya xireen weyn ka dhistay webiga Niil?

Dowladda Masar ayaa si adag uga hadashay khataraha kusoo wajahay amnigeeda biyaha iyo xuduudaheeda, iyadoo shaacisay in shirqoollo halis ah loo maleegayo.

Sida uu baahiyey wargeyska Ra’ay Al-Youm, wasiirka kaabayaasha biyaha xukuumadaha Qaahira Maxamed Cabdi Caadhi ayaa muujiyey halista ku gedaaman aminigooda biyaha xilli ay dowladda Itoobiya 14 sano kadib daah qaaday biyo xireenka weyn ee Al-Nahdha kaasoo dagal ka tuuray rajo ay qabeen wadamada Masar iyo Suudaan.

Marka laga hadlayo xuduudaha iyo walaaca kusoo kordhay dowladda Masar, waxay warbixintu tibaaxeysaa Qaahira ay muujisay walaac ka dhan ah xaaladda amniga ee xadka ay la wadaagto Qaza, iyadoo jawaab celin adag ka bixisay hadal uu jeediyay Ra’iisul Wasaaraha yuhuuda Benjamin Netanyahu, oo ku hanjabay in albaabka Rafax loo adeegsan doono barakicinta Falastiiniyiinta waqti aanan fogeyn.

Sidoo kale, Masar waxay ku baaqday in dhammaan dalalka Bariga Dhexe ay ku biiraan heshiiska caalamiga ah ee ka hortagga fiditaanka hubka nukliyeerka, iyadoo sheegtay in muhiimadda laga leeyahay taalabadaan ay tahay in la hubiyo in gobolka laga dhigo mid ka caagan hubka wax gumaada, waa sida hadalka loo dhigee.

Sida xogta wargeysku ay muujineyso Masar ayaa dhowr jeer kusoo celcelisay walaaceeda ku aadan xaalada Qaza iyo in saacad walba ay filasho aanan la mahdin ay kaga jiraan dhanka yuhuuda, taasoo xitaa xukuumada Qaahira ku qasabtay iney tiraahdo siyaasada dunida manta waa mid Labo wajiile ah oo ay ula jeedo in sahaayinada ay diideen ku biiritsa heshiiska xadidaya fidida hubka nukliyeerka iyo sidoo kale ha’ada kormeerka Atomic-kada caalmka ee loo soo gaabiyo IAEA, halka wadamada kale mararka qaar qaab sandul ah loogu qasbo tani.

Gunaanudkii xukuumada Qaahira ayaa hada u muuqata mid bartamaha kaga jirta Labo xaaladood oo culus, jihana waxay walaac ka dareemeysaa dhanka xadka Rafax, dhanka kalana aminga biyaha ee Afrika iyo waxa laga filan karo Al-Nahdha kadib daah qaadidiisii.

FAAFREEB PRO