Sida uu daabacay joornaalka The Independent, xukuumadda militariga Suudan ayaa diiday soo jeedin xabad-joojin ah oo ay soo bandhigeen wadamada Maraykanka, Sacuudiga, Imaaraadka iyo Masar, soo jeedintan ayaa ahayd in la sameeyo qorshe xabbad-joojin rasmi ah iyo toban bilood oo marxalad kala guur siyaasadeed ah oo ku dhammaata dhisidda dowlad rayid ah oo sharciyad iyo isla xisaabtan leh waa sida ay hadalka u dhigeene.
Warsaxaafadeed ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Sudan ayaa lagu sheegay shacabka ay yihiin hada kuwa ay ka go’ado talada xaaladan qaraar ee dhaxda looga jiro, ka militari ahaana dhankooda aysan aqbali Karin wax si wada jir ah aanan loo go’aamin.
Militariga Suudaan ayaa dhanka kale u muuqda mid saluugsan in Imaaraatku uu qeyb ka yahay dowladaha gardaadinaya heshiiskan, halka dhanka kale ay xukuumada Abu Dubai qalameyneyso ciidanka RSF ee xasuuqyada xoogan u geysanaya shacabka Suudaan.
Kadib soo jeedinta xabad-joojinta xukuumada militariga Suudaan ayaa sida muuqata ganafka ku dhufatay, waxaana durbadiiba soo baxaya talaabooyin la doonayo in cadaadis lagu saaro dowladda Cabdi Fitaax Al-Burhaan, Mareykanka ayaana cunaqabateen saaray wasiirka maaliyadda Sudan Jibril Ibrahim iyo kooxo kale.
Lama oga halka ay kusoo biyo shuban doonto xaaladan doon doonista loogu jirto xabad joojinta Suudaan, su’aalaha ugu badan ayaana hada dul hooganaya hadii xitaa lagu qasbo dhanka Militariga Suudaan xabad joojin muxuu yahay jawaabta laga filan karo dhanka maleeshitaaka RSF?.
FAAFREEB PRO