Shacab ku dhaqan xaafada Siinka Dheer ee dagmada Garasbaaley ee magaallada Mogdisho ayaa ka cabanaya boob ay ku hayaan ganacsato ay dhulkooda ka iibisay Kooxda Ridada Soomaaliya.
Waxa ay sheegeen in dhulkood la galiyay cagaf-cagaf, islamarkaana uu yahay dhul leh dukomentiyo, ayna milkiyadooda leeyihiin mudo ka badan 30 san0.
Dhulkaan ay sida gaarka ah u leeyihiin dadka shacabka ah iyo dhul kale oo ka agdhow oo mid danta guud ah ayaa waxay Kooxda Ridada Soomaaliya ka iibisay ganacsato iimaanlawayaal.
Tan iyo markii murtad Xasan gurguurte uu sadax sano kahor noqday hogaamiyaha Kooxda Ridada ayaa magaalada caasimada ah ee Mogdisho waxaa si maalin la’a ah uga dhacayay falal boob ah oo lagula kacayo hantida dadka shacabka ah iyo mida danta guud
Boobka dhulalka shacabka iyo kuwa danta guud kadibna laga iibinayo ganacsato iimaanlaawayaal ah ayaa il dhaqaale unoqday Xasan Gurguurte iyo kaaliyaashiisa, waxayna warbixinno soobaxay sheegayaan in mashruucan xaaraanta ah ay murtadiintu ka sameeyeen lacago boqolaal malyuun oo dollar ah.