Waxaa saacadihii lasoo dhaafay baraha bulshadda qabsaday baroor-diiqda iyo sawirrada saraakiishii iyo askartii lagu laayay weerarkii xasminta ahaa ee geesiyada tawxiidku ay Jimcihii ku qaadeen degmada Ceel-dheer ee gobolka Galgaduud.
Weerarkan oo jab xooggan lagu gaarsiiyey maleeshiyaadka Gurguurte ayaa waxaa dhimasho iyo dhaawac ay ku noqday ugu yaraan 133 askar iyo saraakiil isugu jirtay. Kooxda Ridada Soomaaliya, ayaa shaacisay in dhaawacyadii maleeshiyaadka ay u daad-guraysay cisbitaallada Muqdisho. Kuwaas oo u badan dhaawacyo garaab ah.
Maleeshiyaadka ku dhintay dagaalkan iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa waxay isugu jiraan askar iyo saraakiil kuwaasi oo sawiradooda iyo magacyadooda la isla dhexmarayey baraha bulshada.
Saraakiisha lagu laayay dagaalkan ee sawirradooda iyo magacyadooda aanu helnay waxaa ka mida Cabdi-Farey, Gaarane Cabdi Cilmi, Salaad Maxamad Cali, Maxamud Nuur, Daauud Cumar Casir Kabootooy, Jeylaani Abduqadir, Cabdullaahi Xasan Gajacow, Cusmaan Cabdi Maajiid, shukri Cabdulahi Faarax.
Sidoo kale askarta iyagana dhegta dhiigga loo daray ee sawirradooda iyo magacyadooda aanu helnay waxaa ka mida Deeqow Ali shire, Maxamed Deeq iyo askari magaciisa lagu soo gaabshay Abiikar.
Waxa kale oo jira askar iyo saraakiil dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarkan oo sawirradooda oo kaliya aanu soo helnay balse aanaan helin magacyadooda.




