Kenya oo Walaac ka Muujisay Dhaqaallo La’aanta Howlgal Gaaleedka Midowga Africa ee Soomaaliya.

Sep 13, 2025

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Kenya “Musaaliya Mudafaadi” ayaa ka hadlay walaaca ay dowladda Kenya ka qabto dhaqaallo la’aanta baahsan ee soo foodsaartay howlgalka Africaanta ee Soomaaliya ee “AUSSOM”.

Wasiirka ayaa soo hadal qaaday in Kenya ay saameyn ku yeelan doonto Amnigeeda haddii aan la xalin caqabadaha dhaqaallo ee hortaagan howlgalka Africaanta ee Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibada Kenya ayaa sheegay in caqabadaha uu hadda wajahayo howlgalka”AUSSOM” uu wiiqi karo maleeshiyaatka ridada, islamarkaana keeni doono in Mujaahidiinta Al-Shabaab ay la wareegaan guud ahaanba Soomaaliya.

Muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa aad isku soo tarayey dhaqaallo la’aanta soo wajahay howlgalka Africaanta ee Soomaaliya.

Dowladdaha reer galbeedka ee Mareykanka iyo Yurub ayaa horay u diiday inay bixiyaan dhaqaalaha ku baxaya howlgalka Africaanta ee Soomaaliya, taasoo walaac xooggan ku abuurtay dowladdaha Africaanta ee qeybta ka ah howlgalkan.