Mucaaradka Ridada oo Eedeymo Horleh u Jeediyay Xukuumada Gurguurte.

Sep 11, 2025

War saxaafadeed kasoo baxay golaha loogu yeerro “Samatabixinta”ee mucaaradka ayaa lagu sheegay in markale kooxda ridada ee Gurguurte ay dhul boob xooggan kawado magaalada Muqdisho.

Waxay ku eedeeyeen dhul danguud ah oo ay ku jireen goobo waxbarasho ay kooxda ridada boobayso, iyadoona doonayso inay xaraashto dhulkaasi.

Bayaanka kasoo baxay mucaaradka ayaa lagu sheegay in dhul boobka Gurguurte uu lidi ku yahay Amniga, waxbarashada iyo hantida guud iyo mida shacabka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa war saxaafadeedkooda ku sheegay inuu xargaha goostay dhulboobka Muqdisho, islamarkaana arrintaasi keeni doonto xasilooni darro dhinaca amniga ah.

Mucaaradka ridada ayaa dhowr jeer oo hore Xasan Gurguurte ugu eedeeyey inuu boobayo hantida shacabka, iyagoona u diray digniino arrintaasi ku aadan balse Gurguurte uu dhagaha ka fureestay, isagoona sii wado boobka hantida shacabka Soomaaliyeed.