Warbaahinta ugu Caansan Kenya oo Murtad Axmed Madoobe ku Sifeysay Dabadhilif.

Sep 9, 2025

Dhinacyada saameynta ku leh maamulka dalka Kenya ayaa xukuumadda Nairobi ugu baaqay in ay lasafato maamulka ashahaadda ladirirka Kenya ee khilaafka xooggan uu kala dhaxeeyo kooxda Riddada Soomaaliya.

Warbaahinta ugu caansan dalka Kenya ayaa daabacday warbixinno ay ku sheegayaan in dagaal oogaha murtadka ah ee Axmed Madoobe uu derbi uyahay dowladda saliibiyadda Kenya uuna yahay shakhsi marwalba ka shaqeeya danaha dadka saliibiyiinta kenyaanka ah.

Maqaallo iyo warbixinno lagu daabacay wargeysyo iyo mareegyo si aad ah looga akhristo Kenya ayaa maamulka ashahaadda ladirirka Jubbaland ku sifeeyey derbi adag oo Kenya ka hortaagan wax ay ugu yeereen weerarada argagaxisada oo ay ula jeedaan camaliyaatka mujaahidiinta.

warfaafinta kenya ayaa usoo jeedisay xukuumadda uu madaxda ka yahay Wilyan Ruuto in aysan dhax dhaxaad ka noqon loollanada ka jira gobolka Gedo ayna lasafato maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe.

Waxay sheegeen in hoggaamiyaha maamulka ashahaadda ladirirka Jubbaland uu utakanoobay fulinta masaalixda dowladda saliibiyadda Kenya iyagoo tusaale usoo qaatay sanadadii uu Farmaajo hoggaaminayay kooxda Riddada oo uu Kenya si cad ulasaftay.

Siyaasiyiin iyo xubno hore xilal ugasoo qabtay dowladda Kenya ayaa ammaan kala duldhacay Murtad Axmed Madoobe waxayna xukuumadda Nairobi ku cadaadiyeen in aysan ku fiirsan dagaalka kala dhaxeeya Xasan Gurguurte oo ay garabsiiso maleeshiyaadkiisa ku sugan deegaanno katirsan gobolka Gedo.

Hoggaamiyaha maamusha ashahaadda ladirirka ee fadhigiisu yahay Kismaayo ayaa si buuxda ugu jira gacanta dowladda saliibiyadda Kenya wuxuuna xukunka ku joogaa taangiyada Kenya iyo diyaaradaha Mareykanka, ninkan ayaa ku lug lahaaday welina ku lug leh falal dembiyeedyo ka dhan ah shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan Jubbooyinka iyo Gedo.