Wararka ka imaanaya wadanka Koonfur Afrika ayaa ku waramaya in saacadihii lasoo dhaafay dalkaasi lagu dilay ruux kasoo jeeda Soomaaliya.
Dilkaan ayaa si gaar ah waxa uu uga dhacay magaalada Durban ee gobolka KwaZulu-Natal, ruuxa la dilay ayaana ahaa ganacsade Soomaaliyeed.
Ruuxa Soomaaliga ah ee ay toogteen burcadka Koonfur Afrikaanka ah ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Xuseen Fiidoow, wuxuuna kamid ahaa dhalinyarada sida aadka ah looga yaqiinay magalada Durban ee uu ku ganacsanayay.
Goobjoogayaal ayaa soo sheegay in marka la dilayay ganacsadahaan Soomaaliga ah uu salaada ceshaha kusoo tukaday masjid ku yaalla xaafada ay Soomaalida ku badantahay, kadib-na dablay hubaysan ay halkaasi ku toogteen.
Ciidamada dowladda Koonfur Afrika oo goobta soo gaaray goor danbe ayaa sameeyay baaritaano aysan kasoo bixin wax natiijo ah.
Dilkaan ayaa qeyb ka noqonaya dilaalka sid ajoogtada ah looga gaysanayo dalka Koonfur dadka Soomaalida ah, sanadkasta ayaana lasoo diiwaangaliyay dilalka tobanaan ganacsato ah oo sidoo kale la boobo hantidooda.
Todobaadkii lasoo dhaafay ayeey aheyd markii magaalada Cape Town lagu dilay ganacsade Soomaali ah oo lagu magacaabi jiray Cabdifitaax Maxamuud (Beeryare).