Kadib 500 oo Maalmood oo Go’doon iyo Gaajeysiin ah Shacabka Al-Fashir oo Laga Dalbaday Lacag si ay u Noolaadaan.

Sep 6, 2025

Wargeyska Faransiiska La Croix ayaa daabacay warbixin qotodheer oo ku saabsan xaaladda bani’aadamnimada ee ka jirta magaalada Faashir oo ah caasimadda gobolka Waqooyi Darfur ee Suudaan, taas oo muddo 500 maalmood ah hareeraysan geesahana ay ka fadhiyaan ciidanka RSF.

Sida uu wargeysku sheegay, kooxdani hubeysan waxay dhisayaan darbi dheer oo ciid adag ka sameysan kaasoo gabi ahaanba la doonayo in lagu hareereeyo magaalada si ay gebi ahaanba u go’doomiyaan.

Iyadoo duqeyntu sii xoogeysaneyso waddooyinka gargaarna la jaray, kumannaan rayid ah ayaa wajahay xaalad gaajo iyo dhimasho ah, halka rajada badbaadadu ay noqotay bixinta lacago fara badan oo aysan awoodin shacabka reer Al-Fashir.

Sida lagu sheegay warbixin ay daabacday saxiifada The Continent, qiimaha halkii qof ee duunayo inuu ka boxo magaaladan go’adoonsan ayey ka dhigeen kooxda RSF ilaa 250 yuuro oo ku dhiganta qiyaastii 600,000 gini Suudaan ah.

Wargeyska ayaa soo xigtay Hikma oo ah hooyo Suudaaniyad leh afar carruur ah, taas oo sheegtay in lagu khasbay inay bixiso 1.5 milyan gini Suudaan ah oo u dhiganta ku dhawaad 700 yuuro, hadii ay dooneyso iney ka baxdo magaalada, dadka ayaana badana awoodin arinkan.

Tan iyo bishii May 2024, RSF waxay isku dayayeen inay la wareegaan magaalada Faashir, taas oo ah saldhiggii ugu dambeeya ee ciidanka dowladda Suudaan ku leeyihiin gobolka Darfur.

La Croix waxay gunaanudkii iftiimisay in fursadda keliya ee rayidka ay hada heystaan si ay u badbaadaan ay tahay iney bixiyaan lacagta, hadii taasi aysan dhicina ay yihiin kuwa geerida ku sugaya halkooda ama gaajo ama dil toos ah si un haku timaadee.

FAAFREEB PRO