Jeneraal Teshome Gemeju oo xiriirka dibedda iyo isku-xirka milateriga u qaabbilsan waxa loogu reero ciidamada Badda Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada Xabashidu ay u diyaar-garoobeen sidii ay dib gacanta Itoobiya ugu soo celin lahaayeen deked uu sheegay in iyagu ay lahaayeen oo si qalad ah loogu wareejiyey dalka Eretriya.
Gen. Teshome Gemeju oo waraysi siiyey warbaahinta Itoobiya ayaa si cad u sheegay in ciidamada Xabashida Itoobiya la diyaariyey, isla markaana ay u socdaan in ay soo celiyaan dekedda Casab ee ku taalla koofurta bari ee dalka Eritariya.
Qodobbo uu soo bandhigay sarkaalkani ayuu ku sheegay in ay muujinayaan in Itoobiya ay xaq u leedahay Badda Cas, waxaanu hadalladiisii ka mida “Sida aad ogtihiin, Itoobiya waxay ka mid ahayd dalalka Badda Cas ku teedsan. Badda Cas annaga ayaa leh. Casab-na waxay ahayd ismaamul-gooni ah oo aan ka tirsanayn Erateriya.”
Teshome oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale yiri “Badda si qalad ah ayaa loo bixiyey, haddii la bixinayo lafteeda, waxa awood u lahayd oo kaliya dawlad uu shacabku soo doortay oo sharci ah. Hadda waxa bixisay dawlad ku-meelgaar ah oo afgambi ku qabsatay dalka oo aan sharci ahayn, sidaas darteed, waxba kama jiraan go’aankii lagu bixiyey Badda Cas waa Casab e’.”
Sarkaalkan ayaa sidoo kale daboolka ka qaaday in ay dardar-gelinta arrinta Badda Cas iyo dekedda Casab ay kala shaqaynayaan kuna dhiiri-geliyeen waddamo kale oo uu sheegay in ay saaxiib yihiin balse magacyadooda aanu carabaabin, kuwaasi oo nagu canaantay ayuu yiri gaabis xaggayaga ah.
Eretriya oo isla markiiba ka jawaabtay ayaa hadalka sarkaalkan Itoobiyaanka ah ku tilmaantay in uu yahay ‘iclaamin dagaal’ iyo bilowga qalalaase uu geli doono gobolka Geeska Afrika isla markaana ay u aragto weerar iyo dagaal toos ah oo uga yimid Itoobiya.
Waxay Eritrea xustay in aanay dhayalsan doonin hadalka kasoo yeeray Major General Teshome Gemeju iyo duullaanka uu sheegay inay kula wareegi doonaan dekedda Casab ayna u aragto dagaal toos ah oo dalkooda lagu soo qaaday.
“Xukuumadda Abiy waxay samaynaysaa dacaayado been abuur ah, waxay dacwado u gudbinaysaa Qaramada Midoobay iyo warbaahinta dowladda, si ay marmarsiiyo ugu hesho duullaan ay damacsan tahay inay kusoo qaaddo Eretriya.” Ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha dibedda Ee Eretriya.
Eretriya waxay sheegtay in dagaalka ay iclaamisay Itoobiya ee ku wajahan dekedda Casab ay qayb ka tahay, dabadana ka riixayso dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Waxaanay xustay in tallaabadan ay horseedi doonto dagaal weyn oo ka qarxa gobolka Geeska Afrika, kaas oo geysan doona khasaare baxaad leh.