Kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen ayaa maanta oo Isniin ah, bishu tahay 1-da Sebtembar 2025, sheegtay in ay gantaal ku weerareen markab ay leeyihiin Yuhuuda, kaasoo lagu magacaabo ‘Scarlet Ray’, xilli uu marayay woqooyiga badda cas, waxayna intaas ku dareen in gantaal baalisti ah uu si toos ah ugu dhacay markabka, taasna ay keentay in ay waxyeelo soo gaarto.
Shirkadda ammaanka badda ee British-ka ah ee Ambrey ayaa Axaddii sheegtay in markabku uu ku warbixiyay in uu qarax qabsaday, xili uu marayay meel u dhow magaalada Yanbuc ee Sucuudiga.
Ambrey ayaa sidoo kale ku dartay in weerarka markabkan lagu qaaday uu qayb ka noqon karo weerarada Xuutiyiinta, maadaama uu u muuqdo markabkan mid ay leeyihiin Yuhuuda.
Tan iyo sanadkii 2023, kooxda Xuutiyiinta ayaa weeraro ku beegsaday maraakiib ku sugan Badda Cas oo ay yuhuudu leeyihiin ama xiriir la leh, iyaga oo sheegay in weeraradaan ay ku taageerayaan shacabka ay yuhuudu ku gumaadayaan Qaza.