Shirar maalmihii lasoo dhaafay ay Muqdisho ku yeelanayeen golaha mucaaradka ridada ee “Samatabixinta” ayaa looga hadlay khilaafka ka dhex aloosan kooxda ridada iyo mucaaradka.
Shirjaraa’id oo ay qabteen xubnaha mucaaradka ayey sheegeen in Xasan Gurguurte uu wali wado qorshaha doorashadiisa halka dhinac ah.
Shariif murtad oo hoggaamiya mucaaradka ayaa sheegay in golahooda uusan marnaba aqbali doonin qorshaha Xasan Gurguurte, islamarkaana uu doonayo Gurguurte muddo kororsi.
Shariif murtad ayaa dhinaca kale ka hadlay dhibaatada kooxda ridada ee Xasan Gurguurte u geysanayso dadka shacabka Muqdisho, islamarkaana wali ay sii wadaan dhul boobka ka dhanka ah dadka shacabka ah.
Khilaafka u dhaxeeya kooxda ridada iyo mucaaradka ayaa cirka isku sii shareeray, xili dhanka kale kooxda ridada war kasoo baxay lagu sheegay in tallaabo ay ka qaadayso cidii mucaaradka ah oo wax ka sheegta dowladda ridada ee xasan Gurguurte.