Toogasho Dhimasho iyo Dhaawac Sababtay oo ka Dhacday Kaniisad Kutaal Gudaha Maraykanka.

Aug 28, 2025

Wararka ka imaanaya magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota, ayaa ku waramaya in toogasho gaysatay khasaare isugu jitra dhimasho iyo dhaawac lagu beegsaday kaniisad kutaal magaaladaasi.

Booliska ka howlgala magaalada Minneapolis ayaa sheegay in ay si deg deg ah uga falceliyeen dhacdo toogasho ah oo lagu beegsaday Iskuul taabacsan kaniisad Catholic ah oo kutaal koonfurta magaaladaasi.

Ilo wareedyo ku sugan magaalada ayaa sheegay in ugu yaraan sadex qof oo uu ku jiro ninkii toogashada geystay ay ku dhinteen weerarka lagu beegsaday Iskuulka.

Booliiska ayaa dhanka kale sheegay inay jiraan ku dhawaad 20 xubnood oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerarka toogasho, dhaawacyada ayaa lagu sheegay 17 xubnood.

Wararku waxay intaas ku darayaan in cissbitaal kuyaal Minneapolis la dhigay shan carruur ah oo ku dhaawacmay toogashadaasi, kuwaas oo dhiganayay iskuulka kaniisadda qaybta ka ah ee la beegsaday.

Maraykanka waxaa joogta ah dhacdooyinka toogasho ee gaystay khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac, waxaana sannad walba la diiwaan geliyaa dad badan oo ay gallaafteen nolasha toogashooyinka lasoo tabiyo.