Maamulka Trump oo Kala Ceyriyay Dhammaan Shaqaalihii ka Shaqeynayay Idaacaddii Codka Mareykanka.

Aug 25, 2025

Isagoo fulinaya mid kamida ballanqaadyadiisi ahaa in uu meesha ka saarayo wax walba oo hoos udhigaya dhaqaalaha Mareykanka ayuu saliibiga Donald Trump gebi ahaanba albaaabada isugu laabay idaacaddii ugu afka dheereed ee America ay kula dagaallami jirtay muslimiinta.

Qaraar kasoo baxay xafiiska Trump ayaa lagu kala ceyriyay dhammaan shaqaalihii idaacadda Codka Mareykanka, tallaabada lagu hakiyay shaqadii idaacaddan oo afaf kala duwan ku hadli jirtay ayaa soo billaabay bishii Maarso ee lasoo dhaafay kolkaas oo gebi ahaanba lademiyay qalabkii idaacadda shaqaalahana laga jaray lacagihii mushaaraadka ah oo ay qaadan jireen.

Arrinta cusub ayaa ah in hadda idaacadda gebi ahaanba lagu kala tagay oo lakala ceyriyay dadkii ka shaqeynayay sida sheegayaan qaar kamid ah wariyaashii ka shaqeynayay laanta afka soomaaliga ah.

Baraha bulshada ayay cumaladii idaacaddan ka howlgelayay kusoo bandhigayeen muuqaallada iyagoo lagasii ceyrinayo xaruntan oo ay tobanaan sano ka shaqeynayeen waxayna muujinayeen sida ay uga xunyihiin waxa ku dhacay

Idaacadda codka Mareykanka laamaheeda kala duwan gaar ahaan midda Afsoomaaliga ayay khawanadii ka shaqeynayay iygoo og iyo iyagoon ogeynba diintooda iyo dadkooda kula dagaalamayay 20-kii sano ee lasoo dhaafay waxayna makaroofan u ahaayeen xamlada saliibiga ay ee lagusoo qaaday umadda.

Saraakiil American ah ayaa ku amrayay shaqaalaha in ay calaladooda ka qaataan dhismaha idaacadda waxaana la arkayay iyadoo boorsooyinkooda banaanada loogusoo tuuray.

Malaayiin muslimiin ah oo dadka soomaalidu kamid yihiin ayey dhagahoodu ka nasanayaan beentii iyo buhtaankii ay ku shubi jirtay idaacadda burburtay ee codka Mareykanka.

Idaacaddan laanta afsoomaaliga ayuu Mareykanku hawada soo geliyay sanaddii 2007-dii waxayna lakowsatay duullaankii saliibiga ahaa ee Kufaarta afrikaanta iyo ciidamada xabashida Itoobiya ay kusoo qaadeen soomaaliya.

Allaah fadligiis halka warbaahintii gaalada lagu kala tagay ayay warbaahinta islaamiga ah sii xoojinaysaa shaqada ay uheyso muslimiinta.