Wararka ka imaanaya magaalada Nayroobi ee caasimada dalka kenya ayaa ku waramaya in dab geestay khasaare xoogan uu ka kacay xaafada Islii oo ay ku yaallan intabadan ganacsiyada dadka Soomaalida ah.
Dabka ayaa sababay khasaare xoogan isaga oo gubay goobo ganacsi aad ufarabadan halka laga badbaadiyay kuwa kale.
Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dabkaasi uu ka dhashay Koronto, iyadoo damintiiisa ay qaadatay mudo saacado ah.
Sida ay wararku sheegayaan lacag gaaraysa boqolaal kun oo dollar ayaa ku baaba’day dabkaasi, sida ay xaqiijiyeen ganacsatadii goobaha ganacsi ku lahaa xarumaha gubtay.
Dabkaan ayaa si gaar ah waxa uu uga kacay halka loo yaqaano Business Park ee dhacda agagaarka Eastleigh Mall oo ay ku yaallaan ganacsiyo aad ufarabadan oo Soomaalid leeyihiin.
Mararbadan ayaa sidaan oo kale waxaa suuqa Islii ee magaalada Nayroobi uga kacay dabaab kala duwan kuwaas oo geestay khasaare baaxadleh, badananaana dabaabkaasi ayaa loo aaneya in ay ka dhashaan korontada.
Sanadadii danbe waxaa suuqyada ay ku ganacsadaan dadka Soomaalida ah kusoo badanayay gubashooyinka, iyadoo sadaxdii sano ee lasoo dhaafay sidaan oo kale dabaab geestay khasaare malaayin dollar ah ay uga kaceen magaalooyinka Mogdisho, Hargaysa, Jigjiga,Gaarisa iyo kuwa kale oo badan.