Xaalad Colaadeed oo ka Taagan Gedo Iyadoo Maamulka Ridada Jubbaland uu Wado Dhaqdhaqaaqyo Ciida.

Aug 23, 2025

Gedo ayaa wajahaysa xaalad siyaasadeed iyo mid amni oo aad u cakiran, iyadoo laga cabsi qabo inuu mar kale ka qarxo dagaal culus oo dhexmara maleeshiyaadka kooxda ridada Soomaaliya iyo kuwa maamulka ridada Jubbaland.

Wararka laga helayo Gedo ayaa tilmaamaya in maleeshiyaadka maamulka Jubbaland ee dhawaan laga saaray Balad-Xaawo ay hadda dhaqdhaqaaqyo ciidan ka wadaan deegaanno ku dhow dhow degmadaas, taasoo sii kordhisay cabsida laga qabo in ay bilowdaan iska horimaadyo cusub.

Jubbaland ayaa la sheegay inay maleeshiyaad farabadan u daabulayso Gedo, halka kooxda ridada Soomaaliya ay dhankeeda heegan buuxa galisay maleeshiyaadkeeda ku sugan Balad-Xaawo.

Xaaladdan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo kooxda ridada ay wado qorshe ku aaddan dhismaha maamul cusub oo ka madax-bannaan Jubbaland, kaasi oo la sheegay in laga hirgelinayo Gedo.

Maamulka cusub ayaa lagu sheegay mid ay kooxda ridadu doonayso inuu beddelo saameynta Axmed Madoobe ee gobolka.

Warar rasmi ah ayaa sidoo kale sheegaya in wafdi ka socda kooxda ridada ay ku wajahan yihiin degmada Balad-Xaawo si ay u dardar geliyaan howlaha la xiriira dhismaha maamulka cusub ee Jubbaland.

Cabsi xooggan ayaa ka jirta deegaanka, iyadoo dadka deegaanka ay walaac ka muujinayaan suuragalnimada dagaal hor leh oo dhibaato hor leh u keena shacabka iyo  guud ahaan gobolka .