Dowladda Xabashida Itoobiya oo boqolaal askari oo hor leh kusoo daabulaysa duleedka degmada Beledxaawo ee ay ku loollamayaan maleeshiyaad dabadhilifyo ah.
Xiisadaha colaadeed ee udhaxeeya maleeshiyaadka dabadhilifyada ah ayaa weli laga dareemayaa degmooyin iyo deegaanno katirsan gobolka Gedo ee dhaca Koonfurta dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Beledxaawo ayaa sheegaya in markale ay halkaas ka aloosanyihiin xiisada colaadeed oo sababi kara in dhinacyadu ku dul dagaallamayaan dadka shacabka ah.
Sida ay xoguhu sheegayaan maleeshiyaad farabadan oo katirsan maamulka ridada ah ee isku magacaabay Jubbaland ayna la socdaan ciidamo katirsan Xabashida Itoobiya ayaa soo buux dhaafiyay deegaanka Suufka ee dhaca xuduud beenaadka islamarkaana udhow Beled Xaawo.
Ciidamada Xabashida oo wata gaadiidka gaashaaman iyo kuwa ciidamada xambaarada ah ee Uuraallada looo yaqaan ayaa la arkayay iyagoo saldhigyo hubkooda ujiheeye dhanka Beledxaawo.
Sidoo kale deegaan kala qeybiya Mandheera iyo Beledxaawo ayaa saaka lagu arkay qaar kamid ah maleeshiyaadkii dhowaan ka farxay jiidda dagaalka kuwaas oo daacad u ah maamulka dabadhilifka ah ee Axmed Madoobe.
Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in kooxda ridada ay maleeshiyaad hor leh diyaarado ku geystay degmada Beledxaawo maleeshiyaadkaas oo garoonka diyaaradaha Muqdisho laga dhoofiyay.